Ganacsade caan ahaa oo caawa lagu dhex gowracay magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir lagu gowracay Ganacsade magaciisa lagu sheegay Xuseen Cali Cumar oo ka mid ahaa ganacsatada Suuqaasi.

Ganacsadaha la gowracay ayaa la xaqiijiyay inuu kamid ahaa kuwa ugu caansan Degmada gaar ahaan Suuqa Xoolaha, waxa uuna sababsaday gacanta Ganacsade kale oo ay wada shaqeyn kala dhexeysay.

Dadka ku sugnaa suuqa uu gowraca ka dhacay ayaa sheegay in marxuumka iyo ruuxa wax gowracay uu ka dhexeeyay muran aan la ogeyn waxa uu ka bilowday.

Mid ka mid ah ehelada Marxuumka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Marxuumka uu ka tagay waxyar un ka hor,isla markaana wax ka yar saacad loogu keenay meydkiisa.

Waxa uu sheegay in maalmahaani marxuumka uu dacwad ka ahaa ruuxa wax gowracay, hase yeeshee maanta uu dhacay falkaasi foosha xun.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo kordhaaya dilalka gowraca oo ay isku geysanayaan ragga uu ka dhexeeyo muranka sida dhulka iyo ganacsiga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com