10 Soomaali ah oo Turkiga loogu xiray in FETHULLAH Gulen ay xiriir la yeesheen

Ankara (Caasimadda Online) – Wakaaladda Wararka u faafisa Wadanka Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in Ciidamada Dowladdu ay xabsiga dhigeen Arday Soomaaliyeed oo latuhunsanyahay in ay Xiriir la leeyihiin Wadaadka lagu magacaabo Fitaaxullahi Guleen ee lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay Afgambigii fashilmay ee Turkiga ka dhacay15 julay 2016 kii.

Ugu yaraan 29 Ruux oo ay ka midyihiin Ciidamo shaqadda ku jira ayaa lagu xiray wadanka turkiga Sababo ku aadan xiriirka la tuhunsanyahay in ay la leeyihiin Ururka Argagixisadda loo Aqoonsaday ee Fetaxullah guleen., ayuu Booliisku sheegay Sabtigaan. Dadka la xiray waxaa ka mid ah 13 Askari oo shaqadda ku jiray intii ay Howlgaladdu socdeen. Melaha Dadka laga xirayna waxaa ka kid ah Caasiamdda ah Ankara.

Si gooni ah 16 arday oo 10 ka mid ah ay Soomaali yihiin, Sadax kamid ahna ay Jabuutiyaan yihiin, 2 Arday oo u dhashay Dalka Guinea iyo Arday Suuriya u dhashay ayaa la xiray waxaana laga soo qabtay Gobolka Mersin, sida ay ku warrantay Anadolu. Lama sheegin magacyadda Ardaysa Soomalida ah lamana bixin Aqoonsi kale oo ay leeyihiin. Ardaydaan waxaa ay dhiganayeen jaamacadda Mersin waxaana soo xiray Booliiska oo weeraray guryihii ay daganaayeen. Booliisku waxay wali badi goobayaan Todobo ruux oo lala Xiriirinayo ururka lamamnuucay ee fetullah Gulem.

Fitaaxulaahi guleen, waa Wadaad fadhiisu yahay Wadanka Mareeykanka waxaana Dowladda turkigu ay ku eedeeysay in uu ka dambeeyay Afgambigii Fashilmay ee Military-gu isku dayeen in ay Xilka uga tuuraan Rajib Tayib Ordogan, 2016kii. Wadaadkaani waxaa uu leeyahay Ururro u badan kuwo wax barashadda ka shaqeeya turkiga gudihiisa iyo Dibadaba. Waxaana qayb ka ahaa shirkado Soomaaliya ka shaqaynayay oo Dowladda Soomaaliya ay Dalka ka eriday iyadoo turkiga ku gacan siineeysa dagaalka wadaadka iyo taageerayaashiisa ka dhan ka ah.

Arday badan oo Soomaali ah ayaa wax ka barta wadanka Turkiga, waxayna cabsi wadnaha farta saareen markii markii Afgambigu uu wadanka ka dhacay inkastoo aysan Qatar badan la kulmin. Hase ahaatee Warka kusaabsan ardayda turkiga lagu xiray ayaa ah War naxdin iyo sas ku ah Soomaalida waxbarashadda u jooga wadanka Turkiga.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com