Garabka CABDI XAASHI oo hal shuruud ku xiray ka qeyb-galka doorashada Sabtida

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa markale shaaciyey inaysan marnaba ka qeyb-gali doonin doorashada guddoonka guddiga Somaliland, ee uu go’aamiyey Ra’iisul Wasaare Rooble.

Maareeye oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa sheegay in Rooble uu ka baxay xayndaabkii dhex-dhexaadnimada, islamarkaana uu u xaglinayo dhanka Ra’iisul wasaare ku-xigeenkiisa Mahdi Guuleed oo uu gacanta u geliyay Saddexdii xubnood ee uu soo magacaabay, sida uu hadalka u dhigay.

“Ra’iisul wasaaraha wax dhex-dhexaad ah ma magacaabin (Saddexda xubnood ee ka imaanaya dhanka xukuumadda) oo kuli wuxuu ii siiyey team-kii kale oo ah Ra’iisul wasaare ku-xigeenkiisa,” ayuu yiri Maareeye oo kamid ah garabka Cabdi Xaashi ee guddiga doorashooyinka Somaliland.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in doorashada Sabtida loo ballansan-yahay ee guddiga Somaliland aysan ka qeyb-gali doonin haddii aan wax laga bedelin sida ay u socdaan, islamarkaana ay meesha ka saaran 3 xubnood ee loogu xagliyey garabka Mahdi Guuleed.

“Anagu marnaba kama qeyb-galeyno doorasho ay galayaan 11, wixii lagu heshiiyeyna ma aha, wax ay bulshada kuraastan iska lehna ay qabto ma aha. Markaa wax qariib ah maaha in 8 xubnood is doorato oo waa wax sharci ah.”

Maareeye ayaa ugu dambeyntiina waxa uu Ra’iisul wasaaraha usoo jeediyay in sidii uu ballan-qaaday uu dhex-dhexaad ka noqdo khilaafka kala dhaxeeya Mahdi Guuleed, uuna qabto doorasho degan oo heshiis lagu yahay, oo uusan gacan siin dhinac gaar ah.

Hadalka Maareeye ayaa imanaya xili uu garabka Cabdi Xaashi ee guddiga doorashooyinka Somaliland uu qaadacay ka qeyb-galka doorashada guddoonka guddigaas oo la mudeeyay inay qabsoomto maalinta berri ah.