Gargaarkii Turkiga ee SOOMAALIYA oo yeeshay weji kale (Xog Faah-faahsan)

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Dowladda Turkiga oo ah dowladdii ugu horeysay ee Soomaaliya u dirtay Ra’iisal Wasaaraheeda Reccep Tayyib Erdogan, islamarkaana u soo gurmatay xilli shacabka Soomaaliyeed ay hareeyeen abaaro, colaado iyo dagaallo socday muddo 21-sano ah ayaa ku guuleysatay inay gargaar u fidiso malaayiin Soomaali ah oo intooda badan ka soo barakacay gobolada dalka.

Imaanshiyihii Ra’iisal Wasaaraha Turkiga ee Soomaaliya ayaa waxay indhaha caalamka u soo jeedisay dalka in madax kala duwan oo ka socda caalamka ay ka soo degaan magaalada Muqdisho, waxaana ka mid ahaa madaxdii caalamka Xoghayaha guud ee Q/Midoobay Banki Moon, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Boqorka dalka Kuweyd iyo madax kale oo fara badan.

Shacabka Soomaaliyeed marna ma iloobi doono abaalka Turkiga uu u galay, iyadoo waliba xilli xasaasi ah ay noqotay Dowladda Turkiga dowladdii ugu horeysay ee si degdeg ah uga dhabeysay ballanqaadyadeeda, iyadoo waxqabadka muuqda ee Dowladda Turkiga uu kor ka yahay dayactirka waddooyinka laamiyada Muqdisho.

Heshiis ay gaareen Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa ahaa mid ku saleysan in Dowladda Turkiga ay caawiso dadka Soomaaliyeed isla markaana gacan ka geysato dib u dhiska dalka burbursan mudada 22-sano ah, waxaana soo baxaya labadii sano ee ugu dambeysay in Dowladda Turkiga ay soo dhaaftay xadkeeda iyo heshiiskii ay la gashay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Turkiga hay’adaheeda gargaarka ayaa bilaabay in gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ay ka bilaabaan howlo ganacsi oo ay ku raadinayaan inay dhaqaale uga urursadaan goobaha iyo xarumaha ay dib u dayactirtay, waxaana goobahaasi ka mid ah:-

1. Xarunta Dugsiga Tababarka (Bola Tikniko) oo ay dib u dayac tireen, iyagoo ardayda ka qaata lacago fara badan, xaruntaasi oo ay Dowladdu leedahay.

2. Dugsiyada Sare ee ay dayac tirtay Dowladda Turkiga oo laba qeybood lacago xad dhaaf ah looga qaato, Dugsiyadaas oo Dowladdu leedahay isla markaana markoodii hore aan wax lacag ah looga qaadi jirin ardayda dhigata.

3. Koleejooyinka ama Iskuulada Boarding ah oo ay dayactireen hay’adaha Turkiga oo iyana kharajyo laba qeybood laga qaado haddii ardaygu uu yahay Borading in laga qaado lacag dhan sanadkii $2500 (Laba Kun iyo Shan Boqol Dollar), haddii uu ardaygu gurigiisa dib ugu laabanayana laga qaado lacag dhan sanadkii lacag dhan $1700 (Kun iyo Toddobo Boqol Dollar).

Intaas oo kaliya kuma koobna gargaarka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya oo yeeshay wejiyo kale, kuwaasi oo dhammaantood biyo dhacoodu yahay inay abuuraan dhaqaale fara badan oo si toos ah ugu dhacaya qasnadaha Dowladda Turkiga isla markaana Dowladda Federaalka iyo shacabkeeda Soomaaliyeed aanay waxba ku lahayn.

Dhaqaalaha Hay’adaha Dowladda Turkiga intaas oo kaliya kuma koobna, waxaana ka mid ilaha dhaqaalaha ee ay Soomaaliya ka abuureen diyaaradda Turkish Airway oo halkii toddobaad ka soo xareysa duulimaadyada ay ku timaado Muqdisho lacag aad u tira badan ayaddoo curyaamisay dhamaan shirkadaha laga lee yahay gudaha dalka.

Marka la eego mashruucyada Dowladda Turkiga ee markoodii hore dalka ku soo galay inay caawinayaan shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan ayaa wuxuu isku rogay weji ganacsi iyo dhaqaale urursi ku saleysan, waxaana arrimaha ugu waaweyn ee sida aadka ay ula yaabeen shacabka Soomaaliyeed ka mid ah in hay’adaha turkiga ay dekedda Muqdisho ka soo dejiyeen markab sida Jaay isla markaana gawaarida Turkiga ay halkaasi ka daabuleen.

Weli ma dhicin taariikhda markii dib loo raaco ficillada Turkigu kula kacayo bulshada Soomaaliyeed oo ka dhigaya kuwo howlgab ah, isla markaana doonaya inay ku boobaan hantida shacabka Soomaaliyeed, waxaana wadnaha farta looga hayaa in ka badan 10-Kun Qoys oo muruq maal iyo xamaali isugu jirta ay soo wajahdo shaqo la’aan.

Cabashooyinka Xoogsatada Kaawooleyda ka xamaasha duleedka magaalada Muqdisho ayaa iyana waxay ka cabanayaan in Turkigu maroorsaday howlahooda, kaddib markii ay soo wajaheen shaqo la’aan, boqolaal qoys oo ka mid ah dadkaasi xoogsatada ay dibadbax ka dhigeen magaalada Muqdisho.

Isbitaalka Digfeer oo Dowladda Turkiga ay ku sameysay dayactir heer sare ayaa su’aasha la isweydiinayo waxay tahay “Maxaa loo furi la’yahay?” markii aan u kuur galnay caqabadaha hortaagan furista isbitaalka Digfeer oo dhowr bilood ka soo wareegatay markii la dayactiray ayaa waxaa soo baxday in Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay isku heystaan Isbitaalkaasi in laga dhigo mid lacag ah iyo in laga dhigo mid lacag la’aan ah.

Arrimaha ugu waaweyn ee Turkigu xadgudubka ugu sameeyay dastuurka dalka waxaa ka mid ah in dalka uu soo geliyay shaqaale ajaanib ah iyadoo ay joogaan dalka shaqaale, xoogsato iyo muruq maal ka bixi kara howlaha dalka dib loogu dayactirayo isla markaana dhammaanba xarumaha uu dayactiray uu ka qaato dhaqaale fara badan, sida goobaha waxbarashada, kaabayaasha bulshada, goobaha caafimaadka, socdaalka iyo waxsoosaarka dalka.

Waxaa Qoray:
Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
jabriil@journalist.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com. Mahadsanid