XOG: Yaa gadaal ka riixaya QORSHAHA Sharif Xasan, sideese looga hortagay?

Baydhaba (Caasimada Online) – Qawmiyada Digil Iyo Mirifle ayaa shalay muujisay sida ay u diidan tahay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo shaqsiyaad taageersan ay maalmahaan ku shirayeen hotel Bakiin ee magaalada Baydhabo, iyagoo sheegayey in Maamul Ka kooban 3 gobol ku dhisayaan halkaasi.

Qorshaha Shariif Xasan ayaa taageero Ka waayey qowmiyada Digil Iyo Mirifle, Malaaqayada Beesha Digil Iyo Mirifle iyo aqoonyahanadooda ayaana markii ugu horeysay si mideysan u diidey qorshaha Shariif Xasan ee 3-da gobol.

Shariif Xasan oo horey u kireystay Hotel Bakiin ee magaalada Baydhabo ayaa shirka uu sheegay inuu meeshaa Ka socdo u waayey dad Ka qeyb gala. Shariif Xasan oo Diyaarad AMISOM leedahay ay Ka qaaday Muqdisho si loo geeyo Baydhabo looguna Dhawaaqo Madaxweyne, ayaa la kulmay kacdoon aan caadi aheyn oo ay hogaaminayaan Malaaqayada Beelaha Digil Iyo Mirifle Iyo madaxda Dawladda Koofur Galbeed oo Ka kooban 6-da gobol oo taageero Ka haysta shacabka Baydhabo.

Malaaqyada Beesha Iyo shacabka Baydhabo ayaa xiray jidadka ka yimaada Garoonka Baydhabo oo soo gala Magaalada. Qaar kamid ah Malaaqyada Iyo shacabka ayaa jidadka Fadhiistay iyaga oo isku dhigay Taangiyo AMISOM leedahay oo shacabka filayeen in lagu qarinayey Shariif Xasan.

Ciidanka AMISOM ayaa shacabka u ogolaaday inay Baaraan taangiyada si a shacabka u qanciyaan, balse shacabka ayaa ku gacan seyray in taangiyada AMISOM Gudaha u galaan magaalada.

Qorshahaan aan heysan taageerada shacabka ayaa madaxda Maamulka Koofur Galbeed sheegeen inay dabada Ka riixayaan wakiilka UNSOM Soomaaliya Amb Nicolas Key Iyo AMISOM Soomaaliya.

Malaaqyada Iyo Madaxda Koonfur Galbeed ayaa ugu Baaqay UN-Ka Iyo AMISOM inaysan isku dayin in shacabka caburiyaan, kuna qasbaan qorshe kasoo horjeeda rabitaanka shacabka Koonfur galbeed.

Malaaqyada Digil Iyo Mirifle Iyo Madaxda Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in Hadii UN-Ka Iyo AMISOM ay dib uga laaban waayaan Qorshahaan fashilmay inay Keeni doonto cawaaqib xun Iyo in shacabka Soomaaliyeed Ka aamin baxaan UNSOM Iyo AMISOM, shacabka Soomaaliyeed la ilaaliyo xornimadooda Iyo rabitaankooda.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
Caasimada@live.com