XOG: Odayaashii la laayey shalay oo la shaaciyey beelaha ay kasoo jeedaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Malaaq Shiine Macalin Nuurow oo ka mid ah Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Beelaha Digil & Mirifle, ayaa wuxuu sheegay in Odayaasha la laayay, ay ka soo jeedeen Beesha Biimaal/Dir.

Toddobo xubnood oo Odayaal Dhaqameedyo ah, oo shalay galab lagala degay gaadiid ay la socdeen, ayaa Maqribnimadii lagu dilay duleedka Degmada Buur Hakaba, waxaana soo baxaayay warar sheegaaya in Odayaasha la laayay, ay ka soo jeedeen Beelaha Digil & Mirifle.

Malaaq Shiine Macalin Nuurow oo siyaabooyin kala duwan ula hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa sheegay in Odayaashaan ay kaga yimaadeen Gobolka Shabeellaha Hoose, si loo dhiso Maamulka Koonfur Galbeed. Isla-markaana la dilay xilli ay ku laabanayeen Shabeellaha Hoose, sida uu yiri.

Malaaq Shiine, ayaa si adag u sheegay in la ogaan doono cidii ka dambeysay dilka Odayaashaan, oo uu xusay in ay ka soo jeedeen Beesha Biimaal ee degta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Odayaasha la dilay ay tiradoodu dhan tahay 7 xubnood, isla-markaana lala dilay nin uu sheegay in uu la socday, kana soo raacay Magaalada Baydhabo.

Malaaq Shiine Macalin Nuurow, ayaa kuwii Odayaasha Dhaqanka laayay ku dhaleeceeyay, inaanay lahayn diir damqada, isla-markaana ay u bareereen in ay u dilaan, si foolxumo badan, sida uu yiri.

Dhanka kale wararka laga helaayo Degmada Buur Hakaba, ayaa waxay sheegayaan inaysan jirin cid loo soo qab qabtay Odayaasha Dhaqanka ee lagu laayay duleedka Degmadaasi.

Xoogag hubeysan oo aan heybtoodu la aqoonsan, ayaa la sheegay in ay Odayaashaan si khasab leh ugala deggeen gaadiid ay la socdeen, isla-markaana ay si wadareed ah u dileen.

Tani, ayaa waxay ku soo aadeysaa, iyadoo ay xaalad kacsan ka jirtay Magaalada Baydhabo, markii ay is qabteen dhinacyada isku haaya aragtida lagu wajahaayo Deegaanka.