XOG: Shariif Xasan Shekeh Aadan oo hub looga soo dajiyay BAYDHABAB

Baydhabo (Caasimada Online) – Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo horrey u soo noqday guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Shariif Xasan Sheekh uu geeyay Beydhabo diyarad hub sidda oo ka kacday garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Isagoo u warramayay mid ka mid ah Idaacaddaha maxaliga ee ku yaalla Muqdisho, ayuu sheegay in hubkaas  Shariifka looga rararay garoonka diyaaradaha Muqdisho isla markaana uu doonayo in uu kula dagaallamo siyaasiyiinta ka soo horjeeda maamulka seddaxda gobal ee la rabo in lagu dhiso Beydhabo.

“Waxaan rabaa in aan xaqiijiyo Shariif Xasan waxaa shaley uu ka soo qaatay Muqdisho diyaarad hub aan sharciyeesneen sidda oo la rabo in lagu gumaado shacabka Beydhabo, arrintaas dowladda waa ay ka war qabtaa waayo hub aan sharciyeesnen in laga raro garoonka diyaaradaha waa nasiib daro” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Wuxuu sheegay in hubkaas ay isugu jiraan qoryaha fudud ee AK47 iyo Qoriga Beekaa em, “Dowladda ma mooga gubka laga raray garoonka diyaaradaha Muqdisho, waayo garoonka aad ayaa looga maamulaa gudihiisa oo hal gumac ah xittaa lagama soo qaadi karo” ayuu yiri.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku hanjabay in mas’uuliyiinta maamula garoonka diyaaradaha Muqdisho in lagula xisaabtami doono sababta keentay in ay  u oggolaadaan hub aan sharciyeesneen in laga raro garoonka.

“Anniga waxaan ka tirsanahay baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan guddiga ammaanka waan is weydiin doonaa sababta keentay in hub aan sharciyeesneen uu Shariif Xasan ka rarto garoonka diyaaradaha Muqdisho” ayuu yiri.

Waxaa la weydiiyay Sheekh Aadan Madoobe sababta loogu diiddan yahay in Shariif Xasan uu u tago Beydhabo, wuxuu tilmaamay in Shariif Xasan aaney loo diddaneen in uu yimaado Beydhabo waayo waa xilidhibaan deeganka u dhashay, ee wuxuu wataa in mab da’ uu ku doonayo in uu ku kala qaybiyo shacabka Beydhab iyo maamul aan soconeynin” ayuu yiri.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com