Golaha Wasiirada DF oo meel mariyay go’aan uu BF Soomaaliya ka sugayay

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiiradda xukuumadda Soomaaliya, ayaa maanta oo Isniin ah waxa ay meel mariyeen miisaaniyad sannadeedka 2014 ilaa 2015-ka.

Kulanka lagu ansixinayay miisaaniyadda waxaa guddoominayay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed.

Markii uu soo dhammaaday kulanka waxaa saxaafadda la la hadlay ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya ahna wasiirka diinta iyo awqaafta xukuumadda Ridwaan Xirsi.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay qodobo kale oo ay ka mid aheyd falkii lagu laayay odayaasha dhaqanka ee nawaaxiga Buur-hakaba ee gobolka Bay.

IMG_01061

Ugu horeyntii Agaasimaha Miisaaniyadda ee Wasaaradda Maaliyadda Axmed Cabdi Aadan (Iraad) ayaa sharaxaad dheer ka siiyay Golaha Wasiirada ee xukuumada qaabka qorsheedka Miisaaniyadda dawladda ee 2014-2015.

Dood dheer kadib, golaha Wasiirada ayaa mariyay Miisaaniyad sanadeedkan oo cadadkeedu dhan yahay 218 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah, una badan filashada dakhliga gudaha ee dalka.

Miisaaniyaddan golaha Wasiiradu meel mariyeen ayaa la filayaa in loo gudbiyo golaha Baarlamaanka si ay uga doodaan kadibna u ansixiyaan.

Dhanka kale golaha Wasiirada ee xukuumada Federaalka ayaa cambaareyn u jeediyay falkii lagu laayay odayaasha dhaqanka ee lagu dilay nawaaxiga Buur-hakaba ee gobolka Bay, waxayna tacsi u direen qoysaska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen odayaashaasi.

Go’aanka ay maanta ku meel mariyeen golaha wasiirada Soomaaliya, miisaaniyad saneedka ayaa waxa ay timid markii guddoomiyaha baarlamaanka uu maalin ka hor ka sheegay furitaanka kal fadhiggii 4-aad ee golaha baarlamaanka in iyadoo la horkeenin baarlamaanka miisaaniyad sanadeedka lagu saqeenaayo sannadkan in wax lacag aaney laga bixin karin bangiga dowladda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararkii Muqdisho

Caasimada@live.com