SAWIRRO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray KUWAIT

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray dalka Kuwait halkaasoo dhawaan uu ka furmaayo shirka madaxda Jaamacadda Carabta.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay boqorka dalka Kuwait iyo madax kale, waxaana loo galbiyay aqalka madaxtooyada Kuwait.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu qudbad ka jeediyo kulanka hoggaamiyaasha waddamada Jaamacada Carabta, waxaana ka mid ah wax yaabaha looga hadli doono ka mid ah arrimaha Soomaaliya.

Waxaa horrey u joogay Kuwait wafdi kale oo ka socda dowladda waxaana hoggaaminayay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Cabdiramaan Beyle

Kuwait

IMG_49301

IMG_4956

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com