Garsoorka Soomaaliya oo wajahaya imtixaankii ugu adkaa iyo kiiska LUUL oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxakamadda Gobolka Banaadir ayaa maalin ka hor soo gaba-gabeysay kiis culus oo ku aadan dhacdadii argagaxa lahayd ee lagu gubay Marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed oo ahayd hooyo uur leh oo uu gubay Seygeeda.

Eedeysane Sayid Cali Macallin Da’auud oo ah ninka ku eedeysan falkan argagaxa leh ayaa maxkamadda la horgeeyay, kaas oo isna ka dhaawacan gacanta oo uu dabka ka gaaray.

Inta ay maxkamadda socotay ayaa waxaa la is dhaafsaday doodo xasaasi ah oo u dhexeeyay xafiiska xeer ilaalinta iyo qareenada difaacayay eedeysanaha, waxaa sidoo kale goobta la keenay marqaatiyeyaal kala duwan oo goobjoog ah, kuwaas oo caddeeyay waxa ar arkeen.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa haatan laga sugayaa go’aanka kama dambeysta iyo inay ku dhawaaqay natiijada kiiskan oo ay isha ku wada hayaan dadka Soomaaliyeed.

“Kiiskan ayaa ah mid calaamad ka bixin doona heerka uu hadda taagan yahay Garsoorka Soomaaliya,” sida ay sheegtay Marwo Basma Caamir oo ah guddoomiye ku-xigeenkii hore ee arrimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka ay sugeyso Soomaali weyn, sidoo kalena ay indhaha ku haayaan caalamka.

“Gudoomiye Saalax, cida ku sugeysa waa Somaliweyn, waxaa kugu soo jeeda indhaha Caalamka sida aad u maareyso Kiiska Marxuumad Luul Jazeera, sida aad kiiskaan u garsoorto ayay Caalamad ka bixin doontaa heerka Garsoorka Somalia taagan yahay,” ayay tiri.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in Maxkamadda laga sugayo go’aan rasmi ah oo lagu wada qancin doono, isla markaana la xiriira cadaalad u helidda Luul Cabdicasiis Maxamed.

“Kiiska Luul wuxuu fure u noqon doonaa heerka Garsoorkeeni taagan yahay, Mudane Gudoomiye Saalax, waxaan kaa sugeynaa go’aan lagu wada qanci doono” ayay sii raacisay.

Weli Marxuumadda ayaa iyada oo mayd ah ku jirto Ferinjeer, waxaana qoyskeeda ay la sugayaan go’aanka Maxkamadda Gobolka Banaadir, iyaga oo raba in lala aaso Sayid Cali.