Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay shirka fashilka ku yimid ee natiijo la’aanta kusoo dhamaaday kaasi uu u dhaxeeyay madaxda dalka Soomaaliya iyo hogaanada maamul goboleedyada dalka.
Isaga oo la hadlayay VOA ayuu sheegay in madaxda dalka Soomaaliya saaran tahay masuuliyad weyn oo laga doonayo in dalka Soomaaliya ay u horseedaan waddo wanaagsan, oo ay ka fogaadaan waxyaabo keenayo in lasii kala fogaado.
Fariinta madaxweynaha Jabuuti ayaa waxaa uu kusoo hadal qaaday in madaxda Soomaalida gacmahadooda ku jiraan fursado waddanka Soomaaliya u horseedayo guulo waaweyn oo shacabka Dani ugu jirto.
Hishiis dhex mara madaxda dalka Soomaaliya ayuu ku tilmaamay iney wanaagsan tahay, islamarkaana aysan habooneyn in dad ajaaniib ah soo kala dhex galaan madaxda Soomaalida.
“Aan wadahadalno waa aan hishiino, madaxii tagtay Kismaayo, waxaan leeyahay masuuliyad ayaa idin saaran, waxaan leeyahay yaan Shisheeye idiin soo dhex galin, sababyoo an masuuliyada idin saaran ayaa weyn”ayuu yiri Ismaaciil Cumar Geele.
Maalintii shalay magaalada Kismaayo ayaa waxaa kusoo kala tagay madaxda dowlada Soomaaliya iyo maamul goboleedyada oo aan wax hishiis ah ka gaarin shirka muddada seddexda maalin kaga socday magaalada Kismaayo.
Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
[email protected]

