Daawo: Go’aan deg deg ah oo kasoo baxay shirka Lafta-gareen iyo laamaha amniga

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa gudoomiyey shir deg-deg ah oo looga hadlayay amniga deegaanada Koonfur Galbeed.

Shirka oo ay isugu imaadeen saraakiisha laamaha amniga qeybahooda kala duwan ayaa waxa laga soo saaray go’aan deg deg ah oo howl-galka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab looga bilaabayo deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan gobolka Baay.

“Shirkaan waa kama dambeysay awaamiir ayaa la kala qaatay oo fulinteeda hadda ku dhaqaaqeyna. Waxaa lagu go’aamiyay shirkaan in howl-galo deg deg ah ay ka bilaaban doonaan gobolka Baay, saacadaha soo socda waa dareemi doonta dhamacda kulul ee idinku soo socota.”

Saraakiisha shirkaan kasoo qeyb-gashay oo kala ahaa Taliyaha Booliiska KGS, Taliyaha Boliiska gobolka Baay, Taliyaha Saldhiga Baydhabo, Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada KGS iyo Saraakiil ka socday ciidanka xooga qeybta 60-aad, ayaa waxa uu madaxweynaha Koonfur Galbeed faray in sidoo kale la ballaariyo howl-galada ka dhanka ah cadowga.

“Dadweynaha reer Koonfur Galbeed gaar ahaan gobolka Baay oo hadda uu ka bilaaban doono howl-galka waxaa ka codsaneyna inay ciidamadooda gacan siiyaan oo u tilmaaman cadowga oo ay baacsan doonaan. Waxaa dareemi doontaan nabad-gelyo. Waa go’aankii u dambeeyay waana bilaabanaya howl-galka.”

Howl-galada dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab oo ay muddooyinkii dambe iska kaashanayeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa waxaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo cadowga laga xoreeyay deegaano dhowr ah oo ay sanado badan gacanta ku hayeen.