Xog: Xasan oo ku gacan sayray qorshe Deni iyo Lafta-gareen ay ka wada socdeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa-soo taraya xogaha laga helayo kulan shalay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ku dhex-maray Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni, kaasi oo kusoo dhamaaday natiijo la’aan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku gacan seyray in uu Saciid Deni ka ogolaado in uu dibad joog ka noqdo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed, taasi oo salka ku haysa muddo kordhinta uu sameeystay Lafta-gareen.

Deni ayaa sidoo kale waxa uu weydiistay madaxweyne Xasan Sheekh in uu xakameeyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee ku sugan Muqdisho, kuwaasi oo uu ugu horeeyo Agaasimihiisa Madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Xasan Sheekh uu ku adkeystay in dowladda federaalka masuuliyad ka saaran tahay ilaalinta shuruucda dalka oo ay ku jiraan maamulada, sidaas darteed uusan aqbali karin dalabkaasi oo ay Deni ka wada socdeen Lafta-gareen.

Saciid Deni ayaa la sheegaya in uu Lafta-gareen ka rabo Xildhibaanada federaalka ee laga soo dooranayo Koonfur Galbeed, si ay sare ugu kacdo rejada damaciisa musharaxnimo ee markale uu isku soo taagayo xilka u sareeya Soomaaliya 2026-ka.

“Deni waxa uu qorshahaan ka wada socdaan Lafta-gareen, wuxuuna ula safanayaa si uu uga helo iskaashi lamid ah kii uu hore uga helay Axmed Madooobe oo muddooyinkan dambe xiriirka kala dhaxeeya uu xumaaday,” ayey yiraahdeen Illo-wareedyo muhiim ah.

Kulanka shalay ee Xasan Sheekh iyo Saciid Deni ayaa gebi ahaanba kusoo dhamaaday natiijo la’aan, ayada oo sidoo kale isfaham laga gaari waayay dalabaad kale oo uu watay madaxweynaha Puntland. Halkan guji oo ka aqriso xog kale oo aan ka qornay kulankaan.