Daawo: XASAN SHEEKH oo arrin muhiim ah ka sheegay xiritaanka shirkii Jabuuti

Djibouti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta soo xiray shirkii Heritage ee ka socday wadanka Jabuuti ayaa mar kale si qota dheer uga hadlay halganka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhulka HirShabeelle uu intiisa badan ka soo baxay gacanta Al-Shabaab, isagoo tusaale u soo qaatay in hal degmo oo Hiiraan ka tirsan aysan maamulin.

“Bartamaha Soomaaliya labada dowlad goboleed ee ku taalla, dhul badan ayaa laga xoreeyey Shabaab, Hiiraan hal degmo kama taliyaan, Sh/Dhexe degmada Ruun-nirgood ayey ku dambeeyaan, gaarigii Xamar laga kaxeysto ayaa lagu tagaa lixda degmo ee kale ee Sh/Dhexe,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa aad u amaanay ciidanka xoogga dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee iska xoreeyey kooxda Al-Shabaab, waxaana ugu dambeysay Aadan-Yabaal oo maanta ay si rasmi ah dowladdu u xaqiijisay in laga xoreeyey Al-Shabaab.

“Ciidamada Qaranka iyo shacabka soomaaliyeed waxa ay guulo muhiim ah ka gaareen dagaalka Khawaarijta, waxaa u dambeysay degmada Aadan Yabaale oo ay dadkeenna ku dhibi jireen maantase xor ah. Al-shabaab waa ku jabeen dagaalka tooska ah. Alle mahaddi waxaan soo gaarnay heer dadkeennu ka doodayaan Shabaab kaddib dalka halkee loo jiheynayaa,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Shirkaan uu qabtay Machadka Heritage ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu maanta  soo xiray ayaa looga hadlayey arrimaha ku geedaaman isbedelka cilillada, wuxuuna madaxweynuhu ka hadlay qorshaha dowladdiisa ee isbedelka ku yimid cimillada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa aad ugu mahad celiyey dowladda iyo shacabka Jabuuti oo bud-dhig u ahaa dhismaha dowladda Soomalaiyeed, isagoo ka taariikheeyey sida ay Jabuuti u soo caawisay dadka Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo