Xog: Muxuu DENI kala soo noqdey safarkiisi Muqdisho?

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa gabal-dhicii Isniinta dib ugu soo laabtey caasimada maamulka Puntland ee Garoowe.

Deni oo kasoo laabtay Muqdisho ayaa waxa uu safarkiisi qaatay wax ku siman 30 saac oo kaliya, taasi oo safarkaasi ka dhigeysa midkii ugu gaabnaa abid ee ugu baxo meel ka baxsan Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa intii uu ku sugna magaalada Muqdisho waxa uu kulan la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo looga wada-hadlay mad-madow soo kala dhex-galay labada masuul iyo dalabaad uu watay Deni.

Wararka laga helayo kulanka Saciid Deni iyo Xasan Sheekh oo qaatay ku dhawaad 4 saac ayaa waxay sheegayaan in aan kulanka wax is faham ah ka soo bixin, taasi oo kaliftey in madaxweynaha Puntland uu si deg-deg ah uga soo baxo magaalada Muqdisho.

Khilaafkan ayaa salka ku haya magacaabidda saraakiil hogaamin lahayd amniga ciidamada dowladda federaalka oo ka soo jeeda Puntland, waxaana Deni uu ku doodayaa in la qaato kuwa isagu ku taliyo, intii dowladda federaalka ay Puntland ka xulan laheyd cidda ay doonto.

Ma cadda waxa madaxweyne Deni uu ka helaayo taliyeyaal amniga loo magacaabayo oo aan siyaasadda ku jirin.

Dhinaca kale, Deni ayaa saacadihii koobna ee uu ku sugna magaalada Muqdisho waxa uu kulan la qaatey safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Mr Larry André.

Kulankaasi ayaa waxay labada masuul uga wada-hadleen xaalada maamulka Puntland iyo arrimo kale oo la xiriira amniga.

Illo-wareedyo ka agdhawaa kulankaasi ayaa soo warinaya in madaxweynaha Puntland lagu canaantey qaabkii uu u dhaqmey markii ay saraakiisha Ameerikaanku dib ugu laabteen magaalada Gaalkacyo, waxayna dhinacyadu isla qaateen sida loo sii wada shaqeyn karo.