Marka (Caasimada Online) – Gobalka Shabeellada Hoose ee Soomaaliya oo ka kooban 8 degmo ayaa dadka ku nool waxay wajahayaan dhibaatooyin daran, waxa uuna gobalku gaaray heerkii ugu hooseeyay dhowrkii sano ee la soo dhaafay.
Caasimada Online ayaa ogaatay in ay xirmeyn dhamaan Isbitaaladii ku yaalay gobalka islamarkaana ay Haweenka iyo qaybaha kale ee Bulshada ay wajahayaan dhibaatooyin daran oo halis ku ah nolasha kumanaan danyar iyo taajir isugu jira.
Dowladda Soomaaliya oo ka taliso 6 degmo oo ka tirsan Shabeelada Hoose ayaa ku guul dareysatay in ay ka shaqeysiiso Isbitaalladii gobalka oo dhamaantood ahaa danguud.
Isbitaallada Afgooye iyo Baraawe ayaa ugu dambeeyay oo u xirmay qalab iyo dawo la’aan kadib markii ay shaqada joojisay hay’adii caawin jiray halka Isbitaalkii magaalada Marka uu xirmay muran iyo dood soo kala dhaxgalay laba kamid ah beelaha ugu awooda badan Marka.
Meel kamid ah Shabeelada Hoose qofkii ku xanuunsada ama haweenaydii ay fool qabato meesha ugu dhow ee la keeni karo waa Isbitaalo ku yaalo duleedka magaalada Muqdisho, waxaase intaas oo dhan usii dheer amni darro iyo bur bur xoog leh oo wadooyinka gobalka ka jira.
“Ma jiro hal Isbitaal oo shaqeeya waxaana halis ku jira haweenka foolanaya iyo dadyawga kale ee gobalka, waxaan dalbaneynaa gargaar deg deg ah” ayuu yiri qof ka tirsan odayaasha degaanka.
“Waxaa noogu daran in la furo meelo lagu umuliyo haweenka waayo way adagtay in la soo qaado waxaana aad gobalkaan ugu badan qatarada kale ee dhanka amaanka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay qofka aan la hadalnay oo ka tirsan waxgaradka Shabeellada Hoose.
Caasimada Online
Xafiiska Marka
caasimada@live.com