Gobolka Bari oo laga cabsi qabo inuu ka go’o Puntland

Doorashada 8-da bisha Janaayo ka dhici doonta Puntland waxa ay saameyn gaara u leedahay gobolka Bari ee ah isha dhaqaalaha maamulkaas.

Gobolka oo ah mid tirsanaya tacadiyo iyo xaqiraad badan ayaa sanadkan waxaa ka jira guux goosi oo waliba ay shacabka si weyn uga mideysan yihiin.

Waxaa gobolka Bari ee ay xarunta u tahay magaalo dekedda leh ee Boosaaso ka jira laba TABASHO oo kale ah –

1 – Xaqiraadda reer Muduga ku hayo dadka deegaanka

2 – Cali Saleebaan oo qaba ‘Cuqdad” ah qabashada la’aanta xilka Madaxweyne

Tabashada kowaad

Bulshada ku dhaqan gobolka Bari waxa ay ka kooban yihiin qabiilo badan sida; Cali Saleebaan, Dishiishe, Cismaan Maxamuud, Cali Jibraa’iil, Ugaar Saleebaan iyo Warsangeli.

Sidaas oo ay tahay, maamulka isha dhaqaale ee gobolka, Dekedda waxaa maamulada reer Mudug taas oo ay marar badan ka gadoodeen reer Bariga.

Arrintan waxa ay xoogeysatay markii uu xilka Madaxweyne qabtay Cabdiweli Cali Gaas oo ka soo jeeda gobolka Mudug isaga oo dhammaan xilalka waa weyn iyo ilaha dhaqaalaha u leexiyey beeshiisa Cumar Maxamuud.

Taas iyaga oo ka duulaya, haddii uu Cabdiweli Cali Gaas soo laabto waxaan shaki ku jirin in ay goosan doonaan ama gobolka Bari ka xiri doonaan inta kale ee Puntland.

Gaas oo kaliya ah ma aha musharaxa haddii uu soo boxo la kulmi doona cawaaqibkaas, Asad Diyaano ayey sidoo diidan yihiin reer Bariga.

Asad walow uu reer Bari yahay, hadana waxaa la fahansan yahay in uu Gaas soo sharaxday si uu haddii uu waayo u soo saaro. Waxaa jiri kale sababo kale oo ay reer Barigu ku diidan yihiin Asad Diyaano.

Tabasha Labaad

Qodobka labaad ee gobolka Bari ka jari kara Puntland waa mid ka halis badan midda hore.

Ma aha mid dhaqaale, ee waa mid cuqdad siyaasadeed dhabarka ku haysa.

Cali Saleebaan oo ah beesha ugu badan, uguna saameynta badan gobola Bari, gobol uu dhaqaalaha Puntland ku tiirsan yahay waxa ay isu arkeen in laga go’doomiyey siyaasadda Puntland ama Majeerteeniya.

20-ka sano ee ay Puntland jirto wali siyaasi Cali Saleebaan ka soo jeeda iska daa in uu ku guuleysteen xataa kuma dhawaan xilka Madaxweyne.

Sanadkan waaba sii fogaadeen oo xataa waxa ay dhabarka la galeen ururka Daacish oo uu hogaamiye ka yahay Sheekh Muumin oo Cali Saleebaan ah.

Dada qaar ayaa qaba in ku biiridda iyo xoojinta Cali Saleebaan ee ururka Daacish ay tahay qiil ay ka dhiganayaan siyaasadda laga go’doomiyey.

Waxaa hadda doorashada uga qeybgalaya siyaasiyiin cul culus sida; Faraax Cali Shire iyo Gallan.

Haddii ay dhacdo in sanadkan siyaasi Cali Saleebaan ah soo bixi waayo, waxaa laga cabsi qabaa in gobolka Bari ka go’o Puntland inteeda kale.

W/Q: Dalmar Xuseen Mire
Boosaaso, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid