Gobolka Sool ee Somalia: Gaza-da qaaradda AFRIKA

Maamulka Hargeisa ee Somaliland la magac baxay waxa ay sameeyeen maanta hab-dhaqankii lagu yaqaanay ee ay Yuhuuda u adeegsato Falastiin.

Maanta gelinkii hore ayey waxaa Muqdisho ka kacday diyaaradda OCEAN oo daawooyin iyo gargaar kaleba u siday dadkii ku soo dhaawacmay dagaal beeleedka lagu hoobtay ee Koonfurta Sool ku dhexmaray laba beelood ee wada daga.

Dagaalkaas waxaa ku dhintay ku dhawaad 100 ruux, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaa le’eg.

Dhaawacyada intooda badan waxaa la keenay magaalada Laascaanood oo ah xarunta gobolka Sool, hase ahaatee, cisbitaalada ayaa qaarna ay qaadi waayeen tirada badan ee dhaawaca halka kuwa kalena aysan haysan daawooyin ku filan.

Maamulka Hargeysa oo xoog ku haysta Gobolka Sool wax tallaabo bani’aadannimo u dhaw xataa ma sameyn labadii maalmood ee ay collaadu socotay, walow qeybo badan oo bulshada ka mid ah ayba qabaan in ay xiisadda iga dhaliyeen.

Xilli warbaahinta gudaha iyo dibedaba laga baahiyey khasaarihii xajmigaas le’ekaa, wey awoodi waayeen in ay dhaawaca u ogolaadaan in  loo qaado ugu yaraan Burco ama ama Hargeysa.

Sidoo kale waxa ay ka hor istaageen gaadiidka dhaawaca gurayey in ay Laascaanood uga baxaaan dhinaca Garowe ama Gaalkacyo oo ay dadweynu miciin bideen.

Taas oo jirta, dowladda Federaal-ka ah oo baaq uga yimi shacabka Sool, Sanaag iyo Cayn iyo waliba xubnaha dowladda ku metala ayaa ka jawaabay, hase ahaatee, daawooyinkii la diray iyo odayaashii ku baxay in ay xalliyaan colaadda waxaa loo diiday in ay ka dagaan madaarka Laascaanood.

Sool oo isu bedeshay Gaza-da Africa

Yuhuudda waxa ay caan ku tahay in ay cunaqabateynno ku soo roogto GAZA waliba iyada oo ka horistaagta adeegyada aas aasiga u ah nolosha bani’aadanka.

Sida hadda ay Somaliland ula dhaqmeyso bulshada SOOL waxaa lagu tilmaami karaa go’doomin, tallaabo uga sii dari doonta xaaladda amni iyo midda bili’aadannimo.

Kuma koobna oo qura go’doominta Somaliland ku hayso SOOL diyaaraddii daawada iyo odayaashii suluxa u socday sidday balse waxa ay dhawaan shatiga kala laabteen telefisinka SBS oo baahiyey xaalada bili’aadannimo ee halkaas ka jirta.

Kama jirto Laascaanood warbaahin madax bannaan haddii ay ahaan lahayd Idaacado, Telefishinno xor ah ama jaraa’iddo.

Waxaa ugu daran, hay’adaha caalamiga ah ee xuquuqul insaanka ama hay’adaha aan dowliga ahayn, kama hawlgalaan ama weyba xadidan yihiin oo waxa ay ku jiraan xayn-daabka Hargeisa.

Soo lama oran karo gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn xaalkoodu waa midda GAZA oo kale?

W/Q: Jaamac Cabdullaahi Axmed

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid