Madaxweynaha Ethiopia oo xilka iska casilay (Warbixin)

Addis Ababa (Caasimada Online) – Sida ay qoreen Wargeysyada kasoo baxay magaalada Addis Ababa Madaxweynaha dalka Ethiopia Mulatu Teshome ayaa arbacada maanta ah baarlamaanka dalkiisa u gudbiyay warqad iscasilaad ah.

Mulatu Teshome oo sidoo kale ahaa wakiilka dalalka bariga Afrika u qaabilsan Ethiopia tan iyo sanadkii 2013-kii ayaa sidoo kale labada aqal ee barlamaanka u gudbiyay in uu shaqada ka tagay.

Mulatu Teshome, waxa uu qoraalkiisa baarlamaanka ku cadeeyay sababaha ku khasbaya is casilada iyo in la aqbalo codsigiisa.

Is casilaada Mulatu Teshome, ayaa waxaa kulan degdeg ah bari oo khamiis ah ka yeelan doona Barlamaanka Ethiopia oo go’aan ka gaari doona codsiga.

Baarlamaanka ayaa bari la filayaa in ay soo magacaaban shaqsiga shaqada kala wareegi doona Mulatu Teshome.

Siyaasigaan cilmiga sharciga ka bartay jaamacada Peking ee dalka shiinaha ayaa,sanadkii 2013-kii,waxaa loo magacaabay madaxweynaha Ethiopia.

Mulatu Teshome ayaa inta xilkaan loo magacaabin waxaa uu ahaa safiirka Ethiopia u fadhiya dalka Turkiga.

Geesta kale, Mulatu Teshome oo ka mid ah xisbiga lagu magacaabo Oromo Democratic Party, ayaa waxaa uu qeyb ka yahay afarta xisbi ee ku midoobay talada ee loo yaqaan EPRDF.

Caasimada Online

Xafiiska Addis Ababa

Caasimada@live.com