Bin Salmaan oo markii ugu horreysay ka hadlay dilka suxufi Jamal Khashoggi

Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha awooda badan leh ee Sacuudiga Maxamed Bin Salman ayaa afka furtay markii ugu horeysay kadib markii uu aamusnaa tan iyo markii laga takhlusay suxufiga Jamal Kashoggi.

Isagoo ka hadlaayay kulan looga hadlaayay maalgashiga oo ka socda caasimada dalka Sacuudiga ee Riyadh ayaa tilmaamay in dowladaha Turkiga iyo Sacuudiga ay kawada shaqeynayaan baaritaanka dilkaas uu ku tilmaamay mid xanuun badan.

Bin Salman wuxuu intaas ku daray inay jiran dowlado uusan magacaabin oo doonaya inay khilaaf ka dhex abuuran dowladaha Sacuudiga iyoTurkiga.

“Ma awoodi doonaan inay na kala qeybiyan inta uu Sacuudiga boqor ka yahay Salman Bin Cabdulcasiis iyo Madaxweynaha Turkiga” ayuu yiri.

Haddalkiisa ayaa kusoo beegmay iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Trump markii ugu horeysay sheegay in Bin Salman ay dhici karto inuu ku lug leeyahay dilka Suxufigii dibadjooga ahaa.

Bin Salman wuxuu kaloo sheegay in sharciga lasoo taagi doono lana ciqaabi doono dhammaan kuwa ku lugta yeesha dilkaas.

Dhinaca kale, Wasiirka Garsoorka Turkiga Cabdul-xamid Guul, waxa uu sheegay in Dacwad oogayaasha Turkiga codsan doonaan in loo soo musaafuriyo dadkii Sacuudiyanka ahaa ee ka howlgalaayay Qunsuliyada kuwaasi oo Turkiga ka dhoofay markii la dilay kadib Jamal Kashoggi.

Source: Wakaalado