Beyle oo soo saaray qoraal maamul goboleedyada ku socda, kana dalbay jawaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda ee dowladda federaal-ka Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa soo saaray war saxaafeed uu uga codsanayo maamul gobolleedyada in ay soo de dejiyaan xisaab celinta dhaqaalihii kaga soo aaday kaalmada Bank-ga aduunka.

Dr Bayle ayaa sheegay in Bangiga aduunka soo daayey kaalmadiii labaad ee uu siiyo dowladda (Surge Support) oo loogu talagalay in lagu dhiso hay’adaha dowliga ah.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda waxa uu ka dalbaday maamul gobolleedyada in ay soo diraan dalabka lacagaha hadda ay u baahan yihiin.

Wasiirka waxa uu sheegay in xisaab celinta ay muhiim u tahay maamul gobolleedyada, maadama ay ku heli doonaan qondadooda lacagta taageerada ah ee uu Bangiga aduunka soo daayey.

Hore ayey ahayd markii ay dowladda federaalka ah ay maamul gobolleedyada ugu baaqday in ay sameeyaan xisaab celin, yeelkeede, wey ka dhaga adeegee halka qaar kalena ay jees jees ugu soo jawaabeen.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli khilaaf xooggan uu ka dhaxeeyo labada dhinac, islamarkaana magaalada Garoowe uu ka socdo shir ay leeyihiin madax goboleedyada oo la filayo in laga soo saaro qodobo ka dhan ah dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com