Ethiopia oo yeelaneysa madaxweyne dumar ah

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia ayaa yeelaneysa Madaxweyne dumar ah taa oo bedeleysa Madaxweynihii hore ee dalkaas Mulatu Teshome oo xilkaasi iska casilay.

Madaxweynaha cusub ee dalkaasi ayaa noqoneysa Haweeney lagu magacaabo Sahle-work Zewdu oo muddo badan la shaqeysay dowladihii hore ee dalkaas.

Sahle-work Zewdu, oo lagu wargaliyay inay noqoneyso Madaxweynaha dalkaasi ayaa waxaa la filayaa in maanta la mariyo baarlamaanka Ethiopia oo go’aan ka gaari doono warqadaha codsiga iscasilaad ee uu gudbiyay Madaxweynihii hore.

Barlamaanka Ethiopia oo maanta kulan ka yeelan doona arintaan ayaa la filayaa in ay soo magacaabaan Sahle-work Zewdu oo shaqada kala wareegi doona Mulatu Teshome.

Sahle-work Zewdu, oo safaarado dhowr ah kasoo noqotay Danjire ayaa Markii u horaysay waxaa Safiir loogu magacabay Dakar Senegal waxayna kasoo shaqeysay mudadii udhaxeysay 1989-1993, iyadoo Wakiil u ahayd Mali, Cape verd,Guinea-Bissau,Gambia iyo Guinea.

Waxay ku dhalatay kuna bar-baartay Caasimada dalka Ee Addis-Ababa,Sahle-work Zewdu waxay waxbarashada dugsiga dhexe iyo sare ku dhamaysatay Lycee G/Mariam.

Dhinaca kale, Is casilaada Madaxweynaha Ethiopia Mulatu Teshome ayaa la sheegay inay tahay mid salka ku heysa dhaliilo iyo diidmo uu ka muujiyay Haweenka xilalka haya ee kusii badanaya Xukuumada Ethiopia.

Caasimada Online

Xafiiska Addis Ababa

Caasimada@live.com