DF Somalia oo shatiyada kala laabatay maraakiib ganacsi oo wata calanka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Somalia ayaa dib ula laabatay dhammaan shahaadooyinkii diiwaan gelinta ahaa ee lasiiyay Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Kalluumeysiga ee sita Calanka Somalia.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa lagu sheegay in ilaa iyo amar danbe la baabi’iyay dhammaan shahaadooyinkii diiwaan gelinta ee Maraakiibtas.

Waxaa lagu sheegay qoraalka Wasaarada in muhiimada Wareegtadu ay tahay in mudnaanta koowaad lasiiyo horumarinta nabad gelyada iyo
badbaadada nolosha badmaridda Somalia.

Wasaaradu waxa ay dalbatay in si dhaqsi ah dib loogu soo wareejiyo dhammaan shahaadooyinka Diiwaan gelinta ee ku maqan Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Kalluumeysiga ee ka diiwaan geshan Wasaaradda.

Wasaaradu waxa ay sheegtay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono dhammaan Maraakiibta iyo Doomaha isticmaala Calanka Somalia si Kheyraadka looga gurto Badda.

Dhinaca kale, Wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa daboolka ka qaaday inay soo saari doonto dhowaan xeer cusub oo lagu
nidaaminayo diiwaan gelinta Maraakiibta iyo Doonyaha.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com