Turkiga oo sirdoonka USA la wadaagay muuqaalada iyo codka dilka Khashoggi

Muqdisho (Caasimada Online) – Haweeneyda Agaasimaha ka ah Hay’adda Sirdoonka Mareykanka (CIA), Gina Haspel, oo booqasho gaaban ku tagtay dalka Turkiga ayaa la kulantay Saraakiisha Sirdoonka Turkiga oo ay kawada hadleen kiiska dilka Suxufiga Jamal Khashoggi.

Wargeysaka maalin laha Sabah Daily oo taabacsan dowlada Turkiga ayaa qoray in Gina Haspel la dhageysiyay isla markaana ay daawatay cadeymaha muuqaalka qaabka loo dilay Jamal Khashoggi.

Gina Haspel inta ay wadahadalka la laheyn Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Turkiga (MIT), ayaa waxaa miiska loo soo saaray dhammaan cadeymayaashii ay soo uruuriyeen baarayaasha oo ay ku jiran Codad iyo Muuqaalo la duubay iyo waxyaabo kale oo laga soo helay dhismaha Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbuul.

Agaasimaha CIA-da Gina Haspel, waxa ay sheegtay in Mareykanka uu gacan ka geysan doono dhameystirka baaritaanka dilka Suxufiga Jamaal ee dunida gilgilay.

Booqashada Gina Haspel, ayaa kusoo beegantay xili Madaxweyne Trump uu sheegay in dilkaasi uu kaalin ku  yeelankaro Bin Salman balse la baarayo.

Source: Sabah Daily