TURKIGA oo si rasmi ah u shaaciyay ciduu kusoo biya shubanayo dilka JAMAAL

Ankara (Caasimada Online) – La-taliyaha Madaxweynaha Turkiga Rajap Dayib Erdogan oo la hadlaayay warbaahinta kasoo baxda gudaha Turkiga ayaa sheegay in dhiiga Saxafigii Jamaal Khashoggi uu yahay mid ku jira gacanta Dhaxal-sugaha Sacuudiga.

Hadalkan ayaa waxa uu sheegay la-taliyaha oo lagu magacaabo Alnuur Jayfik, kadib macluumaadyo dheerada oo laga helay baaritaanka gabagabada ah.

La-taliyaha oo wareysi siinaayay Wargeyska Yeni Berlek ee kasoo baxa dalka Turkiga, ayaa sheegay in Dhaxal-sugaha Sacuudiga mas’uul ka yahay arrintaasi, iyadoo wali uu socdo baaritaanka.

La-taliyaha Erdogan, waxa uu tilmaamay in Dhaxal-sugaha Sacuudiga uu dusha saran dooono dilka Jamaal, isagoo intaa raaciyay inay jiraan cadeymo isa soo taraaya oo ku aadan kaalinta Bin Salmaab ee dilka Jamaal.

“Ma jiri doonto si uu Bin Salman uga dhex boxo kiiska dilka Jamaal, waana mid ku jira dhiigasi gacanta dhaxal-sugaha”

Dhinaca kale, Wasiirka Caddaalada ee Turkiga, C/xamiid Guul waxa uu sheegay inay Xeer-ilaalinta u yeerayso Qunsulka Sacuudiga u joogay Istanbul, Maxamed Al-cutayba, si wax looga weydiiyo Kiiskii lagu dilay AUN Jamaal Khashoggi.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com