Golaha Ammaanka oo ka shiraya xaalada Iran iyo Israel

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Axad ah isugu imaanaya shir degdeg ah oo ku saabsan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada ay iran ku weerartay Israa’iil, sida uu sheegay madaxweynaha golahaas.

Kulanka waxaa dalbatay Israa’iil oo warqad u dirtay madaxweynaha golaha Vanessa Frazier, in weerarradan ay “khatar weyn ku yihiin nabadda iyo ammaanka caalamiga ah”.

Waxay waydiisanaysaa Golaha Ammaanka inuu u aqoonsado Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah – laanta koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Iran – urur argagixiso.

Warqad kale oo ay u dirtay Frazier, ayay Iran isku difaacday, waxayna sheegtay in ay u dhaqantay “is-difaaca nafteeda sida ku cad qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, isla markaana jawaab u ah gardarada milatari ee Israa’iil ee soo noqnoqotay”.

Kulanka degdega ah waxaa loo qorsheeyay kow iyo tobanka fiidnimo ee xalay.

Dhinaca kale, Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in weerarka uu qaadan doono saacado. Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatlollah Ali Khamenei ayaa sheegay “in taliska shaydaanka ah ee Sahyuuiyadda la ciqaabi doono.”

Howlgalka Iran ee Qaramada Midoobe ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid sharci ah oo Iran ay isku difaaceyso kadib markii la weeraray qunsuliyadda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Syria. Waxa ay intaas ku dareen in howlgalka hadda uu dhammaaday, balse haddii Israel ay isku daydo inay jawaab ka bixiso dib loo billaabi doono.

Kowdii April, duqeyn ayaa lala beegsaday qunsuliyadda Iran ee Dimishiq, waxaana lagu dilay jeneraal iyo lix sarkaal oo sare oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka, ayada oo Khamenei uu maalinkii ciidda ballan-qaaday aargudasho.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza horraantii October, xulufada Iran ee gobolka – sida kooxda Xizbullah ee Lubnaan iyo dhaqaaqa Xuutiyiinta ee Yemen- ayaa qaaday weeraro ay ku garab istaagayaan Xamas oo ka dhan ah Israel.