Daawo: Gantaallada IRAN oo ku dhacay gudaha ISRAEL

Tehran (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah gantaallada ay Iran ku weerartay Israel ayaa ku dhacay bartilmaameedyadii loogu talo-galay, sida ay muujiyaan muuqaallo laga helay gudaha Israel.

Iran ayaa weerar isugu jira diyaarado drone ah iyo gantaallo ku qaaday Israel, ayada oo ka aargudaneysa weerarkii Israel ay ku qaaday qunsuliyadda Iran ee Dimishiq, halkaas oo lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah.

Habka difaaca gantaallada Israel ayaa dhexda ka qabtay qaar ka mid ah gantaallada iyo diyaaradaha, hase yeeshee tiradooda oo aad u badan darteed, ayey ka tan badiyeen, waxaana hadda Iran ay gaarceysaa gudaha Israel.

Wararka ayaa sheegaya in illaa afar gantaal ay ku dhaceen saldhigga ciidamada cirka Israel ee degaanka Negev ee lagu magacabo Ramon Air Base. Sidoo kale gantaallo kale ayaa ku dhacay goobo kale oo aan aheyn kuwa ciidan.

Militariga Israel ayaa sheegay in ka badan 100 oo drone ah illaa hadda in lasoo diray. Sidoo kale saraakiisha Mareykanka ayaa laga soo xigtay inay rumeysan yihiin in diyaaradaha ay gaarayaan 400-500. 

Gantaallada Iran ay soo dirtay ayaa la rumeysan yahay inay isugu jiraan kuwa kuruuska iyo kuwa ballistic-ga.

Sidoo kale, kooxda Xizbullah ee Lubnaan, oo ah koox ku xiran Iran, ayaa sheegtay inay gantaallo ku weerartay buuraha Golan Heights ee dalka Syria oo ay xoog ku haysato Israel.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in weerarka uu qaadan doono saacado. Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatlollah Ali Khamenei ayaa sheegay “in taliska shaydaanka ah ee Sahyuuiyadda la ciqaabi doono.”

Howlgalka Iran ee Qaramada Midoobe ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid sharci ah oo Iran ay isku difaaceyso kadib markii la weeraray qunsuliyadda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Syria. Waxa ay intaas ku dareen in howlgalka hadda uu dhammaaday, balse haddii Israel ay isku daydo inay jawaab ka bixiso dib loo billaabi doono.

Kowdii April, duqeyn ayaa lala beegsaday qunsuliyadda Iran ee Dimishiq, waxaana lagu dilay jeneraal iyo lix sarkaal oo sare oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka, ayada oo Khamenei uu maalinkii ciidda ballan-qaaday aargudasho.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza horraantii October, xulufada Iran ee gobolka – sida kooxda Xizbullah ee Lubnaan iyo dhaqaaqa Xuutiyiinta ee Yemen- ayaa qaaday weeraro ay ku garab istaagayaan Xamas oo ka dhan ah Israel.

Caasimada Online kala soco wixii kusoo kordha wararkan, Inshaa Allah.

Caasimada Online kala soco wixii kusoo kordha wararkan, Inshaa Allah.