Golaha Ammaanka oo soo gudbiyey dalab ku aadan qaraxii Ex-Control Afgooye

Muqdisho (Caasimadda Online) – War-Saxaafadeed kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa lagu cambaareeyey qarxii khasaaraha badan dhaliyey ee dhawaan ka dhacay Magaalada muqdisho, iyada oo baaq loogu direy Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha taageera.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka kasoo baxay Qaramada Midoobey.

Xubnaha Golaha Amaanku waxay sida ugu kulul u cambaaraynayaan weerarkii 28kii Disembar 2019 ka dhacay isgoyska Ex-control Afgoye ee Muqdisho, halkaas oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad aan waxba galabsan.

Xubnaha Golaha Amaanka waxay tacsi tiiraanyo iyo dareen xambaarsan u dirayaan qoysaska dadkii ay dhibtu soo gaartay, iyo sidoo kale Dadka iyo Dowladda Somaaliyeed. Xubnaha Golaha Amaanku waxay dadka dhaawaca ah u rajaynayaan inay si dhakhso leh u bogsadaan.

Xubnaha Golaha Amaanku waxay mar kale xaqiijiyeen in dhammaan noocyada iyo wajiyada kala duwan ee argagaxisadu ay yihiin qayb ka mid ah khataraha ugu culus ee soo foodsaartay amniga iyo nabadda caalamiga ah.

Xubnaha Golaha Amaanku waxay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in cadaaladda la horkeeno dhagarqabayaashii geystay, kuwii soo abaabulay, kuwii maalgaliyay iyo kuwii mas’uulka ka ahaa falalkan foosha xun ee argagaxisada ah, waxayna ugu baaqeen dhammaan Dowladaha inay si firfircoon ula shaqeeyaan Dowlada Soomaaliya iyo dhammaan hay’adaha ay khusayso arrintani, si waafaqsan waajibaadkooda ka saaran sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Golaha Amaanka ee khuseeya arrimahan.

Xubnaha Golaha Amaanku waxay mar kale ku celiyeen in falal kasta ee aragagaxiso ay yihiin faldembiyeedyo aan loo cudur daari karin, iyadoon loo eegeyn ujeedkooda, goob kasta oo ay ka dhacaan, goor kasta oo ay dhacaan iyo cid walba oo geysata.

Xubnaha Golaha Amaanku waxay mar kale xaqiijiyeen baahida loo qabo in dhammaan Dowladuhu ay si walba ula dagaallamaan khataraha ay weerarada argagaxisadu ku hayaan amniga iyo nabadda caalamiga ah, si waafaqsan Axdiga Qaramada Midoobay iyo waajibaadyada kale ee uu dhigayo sharchiga caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, sharciga caalamiga ah ee qaxootiga iyo sharciga caalamiga ah ee xilliyada dagaallada.

Xubnaha Golaha Amaanku waxay ammaan u soo jeediyeen dhammaan daneeyaasha caalamiga ah ee ku hawlan sidii nabad iyo xasillooni loogusoo dabbaali lahaa Soomaaliya. Xubnaha Golaha Amaanka ayaa mar kale ku celiyay sida ay uga go’antahay inay taageeraan nabadda, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya. Waxay hoosta ka xariiqeen in weerarkan iyo weerar kasta oo kale ee argagaxiso aanu wiiqi doonin u heellanaantaas.