Fannaan Khadar Keeyow oo lagu xiray dalka Itoobiya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in fanaanka Khadar Ibraahim (Khadar Keeyow) lagu xiray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Laanta Socdaalka iyo Jinsiyaddaha ee dowladda Itoobiya ayaa la sheegay in Khadar Keeyow ay ka qabatay garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Xog dhameystiran weli lagama hayo waxa ay dowladda Itoobiya u xirtay fanaanka, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in lagu heysto khalad ku yimid Documents uu ku dhoofayey.

Khadar Keeyow ayaa mudo saddex cisho ah ku xiran xabsi ku yaalla degmada Garrji ee magaalada Addis Ababa.

Wararka aan ka heleyno xariga Fanaanka waxay intaas ku darayaan in maalmaha soo socda lasoo taagi doono maxkamad, waxaana loo qabtay qareenadii difaaci lahaa.

Waxaa xusid mudan in seddaxdii cisho ee uu u xirnaa dowladda Itoobiya aan lasoo taagin wax maxkamad ah, sidoo kale weli lama shaacin waqtiga rasmiga ah ee lasoo taagi doono, balse ilo ku dhaw dhaw ayaa sheegay in dowladdu qorsheynayso in lagu maxkamadeeyo Khadar magaalada Addis Ababa.

Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa hadda wadda dadaallo lagu ogaanayo sababta loo xiray khaddar iyo sidii deg deg loogu sii deyn lahaa.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Addis Ababa Cabdixakiin Xaaj Cumar (Camey) ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin sii deynta Khadar Keeyow.