Sheekh Mukhtaar Roobow ’oo cuntada ka sooman’ muddo saddex maalin ah

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo u xiran dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa muddo saddex maalmood ah ka sooman cuntada, sida ay sheegeen ehelladiisa iyo xuno ku dhow.

Cunto ka soomidda Roobow ayaa waxaa Caasimada Online u sheegay xubno ka tirsan Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda oo ee hoggaamiyo Abuu Mansuur.

Sidoo kale, Nuunow Maxamed oo ka mid ah ehellada Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho u sheegay in maanta ku seddax uu wadaadku ka sooman yahay cuntada.

“Sababta ma garan karno naloomana ogola inaan aragno balse waxaa nagula war geliyey in maalintii saddaxaad uu cuntada ka sooman yahay Sheekh Mukhtaar”. Ayuu yiri Nuunow.

Nunow oo ka mid ah ehelada Mukhtaar oo sidoo kale la weydiiyey halka uu Roobow hadda ku xiran yahay ayaa “Ninkaas Farmaajo ayuu u afduuban yahay waxaana maqalnay inuu ku xiran yahay guri ku dhexyaala madaxtooyada”.

Xubno ka tirsan Villa Somalia oo Caasimada Online ay xiriir la sameysay way beeniyeen in Roobow uu cuntada ka soomay.

Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin sababta uu cuntada uga soomay, haddana waxaa la rumeysan yahay inay salka ku heyso fashil ku yimid isku day lagu doonayey in lagu sii daayo oo ay wadeen musharixiintii is-badal doonka ahaa ee doorashadii Koonfur Galbeed iyo xubno ka tirsan IGAD oo ku sugan Muqdisho.

Musharixiintii isbadal doonka ahaa ee u tanaasulay Mukhtaar Roobow waqtigii doorashada Koonfur Galbeed ayaa u tagay Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal, waxaana loo diiday inay la kulmaan Roobow.

Sida ay shegeeen xubno ka tirsan xisbiga Roobow, xubnaha IGAD ka socdo ayaa ballan qaaday inay bixin doonaan dhammaan diyada dadkii lagu laayey Baydhabo waqtigii lasoo xirayey Roobow, waxaana madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen si hordhac ah loogu wareejiyey diyada illaa 4 qof oo kamid ah dadkii lagu laayey Baydhabo.

Balse arrintaas ayaa waxaa ka hor-yimid beesha Roobow, musharixiintii Isbadalka doonka iyo xisbiga Amni iyo Cadaalad oo doonayeyin marka hore lasoo daayo Roobow, kadibna si wadajir ah looga shaqeeyo bixinta diyada dadkii ku dhintay banaan-baxyadii ka dhacay Baydhabo ee looga soo horjeeday xariga Roobow.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysatay inaan lasii deyneyn Mukhtaar Roobow balse ay xubnaha IGAD kala shaqeeneyso bixinta diyada dadkii la laayey, taasoo keentay inuu cuntada ka soomo Roomow muddo saddex maalin ah, sida loo sheegay Caasimadda Online.

Wixii warar ah ee kusoo kordha arrintaan kala soco Caasimadda Online, Insha Allah.