Xaaf oo go’aan culus soo saaray kuna booday DF, isagoo ku baaqay shir xasaasi ah

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maanta ka degay magaalada Gaalkacyo ayaa caawa war-saxaafadeed ka soo saaray xaalada Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in isagoo tix galinaya dastuurka dalka iyo kan u gaarka ah dowlad goboleedka Galmudug, uu dib ula laabtay awoodii uu horay ugu wareejiyey wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale Xaaf ayaa amray golihiisii wasiirrada iyo dhamaan howl-wadeenada kale ee maamulka inay ka shaqo bilaabaan xaafiisyadooda ugu dambeyn 15-ka bishan Janaayo 2020.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa odayaasha dhaqanka ee beelaha ku bahoobey Galmudug, saamileyda siyaasadda dalka iyo dhamaan cid walba oo ay khuseyso waxa uu ugu baaqay in 25-ka bishan Janaayo ay iskugu yimaadaan shir looga tashanayo jiheynta iyo aaya ka talinta Galmudug bad qabta.

Xaaf ayaa waxyaabaha ugu waaweyn ee uu u sababeeyey inuu qaato go’aankaas waxaa ka mid ah, dowladda federaalka uu ku eedeeyey in iyadoo adeegsanaysa awood ay bedeshay odayaashii saxda ahaa ee beelaha qaar iyo in saamileyda kale ee siyaasadda aysan doorkoodii u ogolaan.

Halkan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran