HirShabelle oo qaati laga taagan yahay isbaarooyin ay wax ku leeyihiin madaxda

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxda maamul gobalka Shabeelada Dhexe, ayaa la sheegay in ay dhamaantood ku fashilmeen wax ka qabashada Isbaarooyin tiro badan oo la dhigtay qaybo kamid ah gobalka Shabeellada Dhexe.

Wadayaasha Gaadiidka ayaa sheegay in cabashadooda oo soo socotay ilaa saddexdii bil ee igu dambeysay, islamarkaana ay la kulmeen masuuliyiinta ugu sareysa HirShabelle ilaa hadana aysan jirin wax cid wax ka qabatay.

Isbaarooyinka la soo dhigtay degmooyinka Warsheekh iyo Cadale ay yihiin kuwa ay ka dambeyso siyaasad iýo khilaaf u dhaxeeyo masuuliyiinta HirShabelle, sidoo kalane ay adagtahay in xal loo helo.

“Waxaa cabashadeyna aan gaarsiinay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ilaa gobalka iyo wasaaradda amniga, qaarkood waxay noo sheegeen in aysan waxba ka qaban karin” ayuu yiri Xasan Eelaay oo ah guddoomiyaha isu tagga gaadiidka yar yar ee ku safra Shabeellada Dhexe.

“Dadka aan u dacwoonay qaarkood Isbaarada iyaga ayey u taalaa waxayna ka helaan dhaqaalo fiican, marka kama go’na in ay joojiyaan ama ay qaadaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiye Xasan Eelaay.

Caasimada Online waxay waqti badan ku bixisay in ay hesho masuuliyiinta HirShabelle si arintaan wax looga weydiiyo balse qaarkood waxay diideen in ay ka hadlaan arrintaan.