Golaha ammaanka QM oo shir degdeg ah ka yeelanaaya go’aanka Trump ee Qudus

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaa in Golaha Ammaanka ee QM ay isugu yimaadan kulan deg deg ah oo ay uga arinsan doonaan go’aanka uu Trump magaalada Qudus uga dhigay caasimada Israel iyo carada ka dhalatay go’aankaas.

Shirka Golaha ayaa waxaa xooga lagu saari doonaa xal u helida carada ka dhalatay Go’aankaas oo saameyn ballaaran ku yeeshay dunida.

António Guterres, oo ah Xoghayaha Guud ee QM ayaa Khamiistii shalay aheyd sheegay in go’aan kasta oo si gooni ah loo qaato uu halis gelinayo nabadda.

António Guterres, waxa uu ku baaqay in xaaladda Qudus lagu xaliyo wadahadalo dhex mara Falastiin iyo Israel, waxa uuna sheegay inay halis noqon doonto haddii laga hor imaado rabitaanka Falastiin.

António Guterres, waxa uu sidoo kale sheegay in Golaha laga doonaayo inay meel u ridaan carada ka dhalatay go’aanka Trump oo uu sheegay inuu caqabad hor leh u abuuraayo adduunka.

Sidoo kale, wadamada Jaamacadda Carabta, ayaa Sabtida berrito kulan deg deg ahi ka yeelanaya tallaabada uu Donald Trump Magaalada Qudus ugu aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa ku baaqay shir inay isugu yimaadan dowladaha ku jira Ururka Iskaashiga Islaamka, maalinta Arbacada, si looga hadlo go’aanka Xukuumadda Washington ee Qudus.

Dhinaca kale, Dunida Muslimka iyo Wadamada Reer Galbeedka, ayaa cambaareeyay tallaabada uu Mareykanku ku sheegay in Qudus ay tahay Xarunta Israel.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com