Sawirro: Sidee Farmaajo loogu soo dhaweeyay magaalada Sharma Sheikh?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Sharma Sheikh ee dalka Masar gaaray wafdi uu Hoggaaminaayo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaa kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Masar oo u galbiyay halka la filaayo inay isugu tagaan madaxda lagu marti galiyay Sharma Sheikh.

Waxaa sidoo kale soo dhaweynta ka qeybqaatay diblumaasiyiinta Safaarada Somalia ee Masar iyo madax katirsan dowlada dalkasi.

Magaalada Sharma Sheikh, ayaa waxaa maanta ka furmaya shir wadatashi ah oo ku aadan arrimaha horumarinta ganacsiaga Qaaradda Africa oo ay martigelinayso dowladda Masar.

Shirka ayaa waxaa dhanka Somalia uga qeybgalaaya Madaxweynaha iyo Wasiirka Somalia ugu magacaaban arrimaha Ganacsiga, waxa ayna soo bandhigi doonaan heerka uu gaarsiisan yahay Ganacsiga Somalia.

Marka laga soo tago wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somalia, sidoo kale waxaa shirkaas Masar ka dhacaya ka qeyb gali doona qaar kamid ah Madaxda wadamada Afrika, waxayna Madaxdasi shirka Gacansiga Africa 2017 Forum ka jeedin doonaan khudbado.