Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo warbixin xasaasi ah kasoo saaray Xarigii Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Muqdisho (Caasimadda onlne) –Qoraal uu maanta soo saaray Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleeyada (GIDG) ayaa lagu soo dhoweeyay sii-deynta shuruudeysneyd ee la sii daayey Siyaasi Abdirahmaan Abdishakuur Warsame iyaga oo dhinaca kale ka digay in la bartilmaameedsado siyaasiyiinta lagu tuhmo in ay mucaarad.

Ugu horeyn Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleeyada (GIDG) wuxuu tacsi u dirayaa elehelkii iyo qaraabadii dadkii ku geeriyooday hawlgalkii bishan 18keedii ka dhacay Guriga Siyaasiga Abdirahman Abdishakuur Warsame, intii ku dhimatayna waxaan ilaahay uga baryeynaa in u naxariisto. Sidoo kale waxan ilaayah uga baryayaan in intii ku dhaawacantayna cafimaad degdega siiyo Amiin. Labadii bari ee la soo dhaafey, Goluhu waxuu si dhow isha ugu hayey xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee ka soo cusboonaatey Magaalo Madaxda Dalka ee Muqdisho kuwaas oo hadii aan xal siyaasadeed oo degdega laga gaarin saameyn xoogan ku yeelan kara deganaanshaha iyo xasiloonida dalka, sidaas darteed Goluhu waxuu:

  1. Soo dhoweynayaa sii deyntii shuruudeysneyd ee la sii daayey Siyaasi Abdirahmaan Abdishakuur Warsame, ka dib dadaalo ay u galeen Golaha Iskaashiga (GIDG), Wasiirro, Xildhibaanno, Duubab, Odoyaal, iyo Xubno kale oo bulshada ka tirsan. Waxaan ku baaqynaa in arrimaha weli dhimana lagu dhameeyo si degdega oo waafaqsan sharciga, lana dhowro xasiloonida guud, amniga, iyo xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta..
  2. Ka digayaa in dambi laga dhigo khilaafyada siyaasadeed ee mar walba jiri kara, lana bartilmaameedsado siyaasiyiinta lagu tuhmo in ay mucaaradaan siyaasada dowladda, madaama oo sharicigu u ogolyahay in mucaarad iyo muxaafidba ay ku cabiraan fikirkooda siyaasadeed ee ku aadan hadba xaalada siyaasadeed ee taagan si waafaqsan dastruurka, kaas oo ogol xoriyaadda kulanka iyo qowlka.
  3. Soo jeedinyaa in laga foojignaado in dariiqa loo marayo xalinta kala duwanaashaha xaga afkaarta siyaasadeed ee lakala qabi karo loo adeegsado awood ciidan iyadoo wadanku wali ku jiro marxalad aad u nugul oo lagama maar maan ka dhigaysa in wax walba lagu gaaro dib u heshiisiin iyo is qancin, hadii la waayana ay tani sababi karto kala qaybsanaan hor leh iyo in dib loogu noqdo meel fog oo laga yimid.
  4. Mar labaad sidii horey la isugu raacay aan ciidamada nabad sugida iyo xooga dalka midkoodna loo isticmaalin arrimaha madaniga ah oo boolisku leeyahay.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedkaas oo dhameystiran:

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com