26.3 C
Mogadishu
Tuesday, July 15, 2025

Wasiirka Amniga ” Naga raalli ahaada,waxaan nahay wiilashiina oo wax ku dheelay,raalli gelin ayaana ka bixineynaa weerarkii..”.

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka AMniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa raalli gelin ka bixiyay weerarkii 17kii Bishan Ciidamada dowladda ay ku qaadeen Guriga C/Raxmaan C/Shakuur Warsame.

Wasiir Islow oo ka hadlayay madashii xalay lagu siideynayay C/Raxmaan C/Shakuur ayaa yiri “Naga raalli ahaada,waxaan nahay wiilashiina oo wax ku dheelay,raalli gelin ayaana bixineynaa”.

Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa weerar ay ku dhinteen 5; Qof ku qaaday Guriga Siyaasiga C/Raxmaan C/Shakuur Warsame oo xalay la sii daayay.

Maanta ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir u fariisaneysaa kiiska C/Raxmaan iyada oo Xarunta Maxkamadda ay ku wada suganyihiin Xeer ilaalinta dowladda iyo Qareennada Difaacaya C/Raxmaan.


Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News