Golaha Wakiilada S/L oo yeelanaya fadhi aan caadi aheyn xili fasax la galiyey

Hargeysa (Caasimada Online) ― Golaha wakiilada Somaliland oo dhawaan la galiyey fasax xaalada Coronaha awgii, ayaa maanta waxa Golahaasi la faray inuu iskugu yimaado fadhi aan caadi aheyn.

Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, Baashe Maxamed Faarax ayaa waraaq qoraal ah oo u diray Xildhibaanada Golaha, ku wargeliyay in maalinta Sabtida ah ee ku beegan 28-ka bisha March uu golahu iskugu yimaado fadhigaasi.

Fadhigan aan caadiga aheyn ee la iskugu yeeray xildhibaanada ayaa waxa uu daba socda Soo jeedin uu sameeyay Madaxweyne Muuse Biixi maalintii shalay aheyd, kaasi oo uu golaha kaga dalbanayo inay iskugu yimaadan fadhi aan caadi aheyn.

Waxaana fadhigaasi la hor keeni doona Xubnaha komishanka cusub ee Xisbiyada Mucaaridka, si uu goluhu u ansixiyo ama uga hor-yimaado, maadama uu dastuurku awood u siiyey golaha.

Golaha wakiilada ayaa hore u go’aamiyey in muddo ku siman Afar todobaad uu Golahu gali doono fasax, isla markaana gebi ahaanba la baajiyey Kulamo qorsheysnaa todobaadka soo socda bilowgiisa, sida lagu sheegay Waraaqad ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha golaha wakiilada JSL.

Hoos ka aqriso waraaqda Guddoomiyuhu soo saaray