Madaxweyne Deni oo jawaab kulul u diray Xaliimo Yarey

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa si adag uga jawaabay hadal maanta kasoo yeeray guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo  labada Aqal ee baarlamanka Soomaaliya ka dalbatay in ay dedejiyaan meel marinta dib u eegista sharciga xisbiyada ee dalka.

Qoraal kooban oo kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in hadalka guddoomiyaha guddiga doorashooyinka uu yahay mid looga hordhacayo dadaallada ay wado Puntland.

Sidoo kale qoraalka Puntland ayaa lagu sheegay warka kasoo baxay guddiga doorashooyinka lagu fashilinayo gogosha wadahadal ee Madaxweynaha Puntland uu iclaamiyey, taas oo la dhigay magaalada Garowe, kadib shirkii wadatashiga Puntland.

“Guddiga Doorashada DFS hadalka ay hadda soo jeediyeen ma aha mid sharci waa-hore la ansixiyey lagu taageerayo, ee waxaan u arkaa mid looga hordhacayo dadaalada ay Puntland wado, laguna fashilinayo gogosha wadahadal ee Garoowe la dhigay”ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale warkan kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay hadalka guddoomiyaha guddiga doorashooyinka uu ka dhiganyahay tallaabadii labaad ee lagu hor istaagayo gogosha uu fidiyey Madaxweyne Deni, kadib hadalkii maalin ka hor kasoo yeeray wasiirrada federaalka ee ka qeyb galay shirkii wadatashiga ee ka dhacay Garowe.

“Waa tallaabo labaad oo jid-gooyo ah, marka laga soo tago warsaxaafadeedkii ay Wasiiradu qabteen” ayaa lagu yiri jawaabta Madaxweyne Deni.

Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yarey) oo maanta shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa labada gole ee Baarlamaanka federalka Soomaaliya ka dalbatay in ay dadajiyaan meel marinta dib u eegista sharciga xisbiyada si ay ugu gudbaan xisbiyo sax ah oo ay kumeel gaarnimada uga soo gudbaan ugana qeyb galaan doorashada 2020-2021-ka.

Guddoomiye Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in xisbiyada sida kumeel gaarka ah isku diiwaan galiyey ay soo buuxiyaan shuruudaha looga baahan yahay si ay ugu gudbaan xisbi rasmi ah. Iyadoo shacabka Soomaaliyeed ka dalbatay in ay ka qayb qaataan xaqiijinta iyo hergalinta howlaha muhiika u ah doorashada la filaayo in dabayaaqada sanadkan ay ka bilaawdaan dalka