Midowga Yurub iyo UK oo war kasoo saaray khilaafka DF iyo maamul goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in ay lama huraan tahay wadahadallo dhex mara dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada xubnaha ka ah.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in hadii dhinacyadu wadahadlaan oo heshiiyaan fursad loo helayo in laga faa’iideysto deyn cafinta, doorashooyinka oo ku dhaca waqtigooda iyo ka hortaga cudurka Coronavirus.

“Wadahadalka u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo hogaamiyaasha maamul goboleedyada waa lama huraan, si looga faa’iideysto dalka deyn cafintiisa, la keeno doorashooyin toos ah oo qaran oo waqtigeeda ku habboon waafaqsana sharciga cusub, iyo wax ka qabashada coronavirus.  Waxaan soo dhaweynayaa talaabooyinkaan muuqda ee horay loo qaaday, waxaana rajeynayaa in kuwa ay khuseyso ay ku heshiin karaan in ay u kulmaan dhakhsi”ayuu qoraalkiisa ku yiri safiirka UK ee Soomaaliya.

Dhinaca kale Ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya oo daba socda qoraal shalay kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya sida kaliya oo wadahadallo ay u yeelan karaan ay tahay in ay muujiyaan isku tanaasul.

“Ergeda Midowga Yurub ee Soomaaliya waxay ku raacsan QM. Waxaan rumeysanahay in ayada oo la isku xirayo mabaadi’ida iyo garowshiiyaha, lana sameynayo tanaasul ay tahay sida kaliya ee wada-hadallada siyaasadeed loogu jiheyn karo waddada saxda ah”ayuu yiri.

Shalay ayaa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa uu soo dhaweeyey go’aanka uu madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ku qaatay inuu ku yimaado magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Sidoo kale qoraalka Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegtay inay ku faraxsan tahay xubnaha Dowladda Soomaaliya ka socday ee ka qeybgalay shirka wadatashiga Puntland, isla markaana ay ka war sugayaan natiijada wadahadallada Madaxweyne Farmaajo iyo Saciid Deni.

“Xaafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya wuxuu amaanay damaca Madaxweyne Deni ee ah in uu soo booqdo Muqdisho, wuuna ku faraxsanyahay waftigii dowladda ee shirkii wadatashiga Puntland ayaa soo dhoweeyay arrintan.  Waxaan sugeynaa kulanka u dhexeeya Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Farmaajo, si loo sii amba qaado wadahadallada danaha guud” ayaa lagu yiri qoraalkii Qaramada Midoobey.

Taageeradaan ay muujinayaan dhinacyada caalamka ayaa ku soo aadeysa, kadib markii madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni uu ka dhawaajiyey in uu socdaal ku marayo magaalo-madyada maamul goboleedyada dalka.

Sidoo kale Deni ayaa ka dhawaajiyey in safarkiisa ugu horeey uu ku imaanayo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo uusan cag soo dhigin tan iyo markii loo doortay hoggaamiyaha Puntland 8-dii Janaayo 2019, iyadoo xilligaas wixii ka dambeeyey ay marba marka ka dambeysa cirka isku sii shareereysay xiisadda siyaasadeed ee xukuumaddiisa kala dhaxeysa madaxda federaalka.