Xildhibaanadii doorashadii Galmudug kasoo horjeeday oo la kulmay QOOR QOOR

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Waxaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb xubno ka tirsan Xildhibaanada Mucaaradka ee ka soo horjeeday hannaankii Doorashada Galmudug ee Dowladda Federaalka garwadeenka ka aheyd ee lagu doortay Axmed Qoor Qoor.

Xildhibaanada maanta Gaaray Dhuusamareeb ayaa kala ah Xildhihaan Mahad Salaad, Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdisaabir Nuur Shuuriye, waxaana garoonka Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug, maamulka Dhuusamareeb iyo qaybaha kala duwan bulshada.

Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye ayaa sheegay in u jeedka Dhuusamareeb ay u tageen ay tahay sidii loo dhameystiri lahaa wada-hadallo socdey oo ku saabsanaa xal ka gaarista khilaafka ka dhashay doorashada Galmudug iyo tabashadii ay ka qabeen.

Waxaa uu intaas ku daray in inta badan xal laga gaarey arrimihii jirey, islamarkaana ay go’aansadeen inay u tanaaslaan Shacabka deegaannada Galmudug si horumar ballaaran loo gaarsiiyo deegaanka.

Sidoo kale Xildhibaan Mahad Salaad oo bartiisa Facebook soo dhigay qoraal ayaa sheegay inuu kulankaan gogol xaar u yahay dib u heshiisiinta Galmudug.

“Kulan gogol xaar iyo dib u heshiisiin Galmudug ah oo maanta aan ku soo gaarnay magaala Madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb.” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Dhanka kale Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo isna ka hadlayey kulankii ay la yeesheen Madaxweyne Qoor Qoor ayaa yiri: “Xanuunada kala tagista iyo isfaham-darrada oo idil waxaaa lagu daweeyaa kulamo cusub oo lagu baadi-goobayo xalka, kumana sii jirto marka arrintu ay taabanayso masiirka iyo mustaqbalka umadeed iyo tan deegaan. Waxaan maanta ku nimid Magaalada Dhuusa-Mareeb oo ay noogu danbaysay bishii hore bilowgeedii socdaal xal raaadin iyo dib u heshiisiin ah si Galmudug u tiigsato horumarka dadkeedu ku taamayaan, maamul midaysanna uga hanaqaado.”

Wadahadalo todobaadyadii u dambeeyay socday Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo xubnaha Mucaaradka ayaa la isku afgartay in dib u dib heshiisiinta deegaanka laga shaqeeyo dhinacyada salluugsanaa hannaankii doorashada madal isugu yimaadaan, si looga gudbo caqabadaha jira, danta Galmudug laga shaqeeyo.

Wada hadaladaas ayaa ka dhashay in Guddi ka socda Xildhibaanada Mucaaradka ee ka soo jeeda Galmudug ay tagaan Dhuusamareeb waxaana waxa ayna isla maanta ka kulmeen Madaxweynaga Galmudug Axmed Cabdi kaariye.