Goob uu shir uga socday saraakiil Al-Shabaab ah oo duqeyn culus lala eegtay

Sablaale (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeyn xoogan oo ay maanta diyaarado dagaal ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed taas oo lagu beegsaday saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeynta oo ka dhacday inta u dhexeysa tuulada Haawaay iyo degmada Sablaale ayaa waxaa lagu qaaday xarun ay ku sugnaayeen saraakiisha la duqeeyay.

Wararka ayaa sheegay in xubnaha halkaas ku sugnaa uu ku jiray sarkaalka Al-Shabaab u qaabilsan howlgallada gobolka Shabeelaha Hoose iyo xubno kale.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in xilliga la beegsanayay saraakiishaas inay ku jireen shir, waxaana jira khasaare kasoo gaaray duqeyntaasi, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya iyo dhanka Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi cirka ah ee ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarkan waxaa ka horreeyay duqeyn kale oo ka dhacday gobollada Jubbooyinka, taas oo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Mareykanka.

Duqeyntaas ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 10 ka tirsanaa Al-Shabaab, ayada oo la burburiyay qorshe iyo abaabul ay ka wadeen halkaasi, sida ay shaacisay dowladdu.

“Howlgal ay iska kaashadeen Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Cirka ee Mareykanka ayaa lagu dilay 10 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabaab, waxaan howlgalkalooga hortagay koox ka tirsan Khawaarijta oo isku urursanayay xadka u dhexeeya gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe,” ayaa lagu yiri war saxaafadeed dowladda.

Soomaaliya ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay ka qayb-qaadanayaan dadka deegaanka, laguna xoreeyay dhul ballaaran.