Goodax Barre: Imtixaanka Puntland wuu fashilmay

Jowhar (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Somaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa sheegay inuu fashilmay Imtixaanka ardayda Puntland maanta ay u fariisteen.

Goodax Barre oo ka hadlaayay Magaalada Jowhar ayaa sheegay imtixaankaasi inuu yahay mid fashilan sida uu hadalka dhigay.

“Imtixaan waa fashilmaa, saacadaan la joogo Puntland imtixaan ay qaadeysay wuu fashilmay, wadamada deriska nala ah waa ka fashilmay.”ayuu yiri Goodax Barre

Arday gaaraysa 15,800 Arday ayaa maanta u fariistay Imtixaanka Shahaadiga deeganada Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo furay Imtixaankaasi ayaa sheegay dowladda Somaliya looga baahan yahay inay wax ka barato habka nidaaminta imtixaanaadka ee Puntland.

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Somaliya ayaa ku fashilantay qaadista Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Dalka kadib qishka Imtixaanka oo Suuqyada lagu arkay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com