Puntland oo jawaab ka bixisay hadalkii wasiir Goodax

Garoowe (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Farmayeeri ayaa ka jawaabay hadalka wasiirka waxbarashada Soomaaliya ee ahaa inuu imtixaanka Puntland fashilmay.

Maxamed Cali Farmayeeri ayaa sheegay in Imtixaanaadka Puntland ay si habsami leh u socdaan, isla markaana ay maalinkii 1aad kusoo gabagaboobeen si wanaagsan.

”Waxaa si habsami leh u socda imtixaanka shahaadiga Puntland dhamaan xarumihii maantay si guul ah ayey ku soo gaba gabeeyeen maalintii labaad ayaan u gudubnay dhamaan hawl wadeenada iyo ardayda imtixaanka guul ayaan u rajaynayaa ” Ayuu yiri Agaasimuhu.

Agaasimaha wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa sheegay in hadda Puntland ay hiigsaneyso waxbarashada qaaradda Africa islamarkaana ay ka gudbeen deegaanada kale ee Soomaalida.

Wuxuu u mahadceliyay dhalinyarada dhigatada iskuulada kala duwan ee deegaanada Puntland, isaga oo sheegay inay kaalin weyn ka qaadan doonaan sidii waxbarashada loosoo tayeyn lahaa.

Warka agaasimaha ayaa kusoo beegmaya saacado ka dib markii Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdilaahi Goodax Bare oo ku sugan Jowhar uu sheegay in imtixaanaadkii Puntland Fashilmeen.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com