GOODAX BARRE: Waa in la maxkamadeeyo bankiyada akoonadii ay xirtay dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan ku dhowaaqday inay xirtay dhowr akoon oo kooxda Al-Shabaab ay ku laheyd bankiyada iyo xawaaladaha dalka.

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in dowladda ay heshay in ka badan 10,000 oo farriimo oo shacabka ka yimid kuwaas oo ku saabsan akoono ay ay adeegsanayeen mintidiinta.

AL-Cadaala ayaa sheegay in dowladda ay bankiyada iyo shirkadaha xawaaladah ku amartay inay xayiraan lacagta ku jirta akoonadaas, inkasta oo uu sheegay inta le’egtahay.

Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa VOA u sheegay in tallaabada lagu xiray akoonada kooxda Al-Shabaab ay aheyd mid loo qaaday dhanka wanaagsan. Hase yeeshee, wuxuu intaas ku daray, in kuwii Al-Shabaab u fududeeyey inay adeegsadaan bankiyada la maxkamadeeyo. 

“Shaqaalaha bankiyada waa in lala xisaabtamaa. Iyo sidoo kale kuwa fududeeyey, kuwa magacyadooda loo isticmaalay in lagu furto akoonada waa in sidoo kale dacwad lagu soo ogaa oo ay wajahaan cadaaladda. Taasi waa inay noqotaa tallaabada xigta,” ayuu yiri Cabdullaahi Goodax Barre.

“Hase yeeshee, guud ahaan jihada dowladda waa mid sax ah, waxaana u maleynayaa inay tahay tallaabo muhiim ah inay sidaas sameeyeen. Balse uma maleynayo inay ku filan tahay inay natiijooyin la taaban karo ku guuleysato,” ayuu ku diray.

Cabdullaahi Goodax Barre ayaa soo jeediyey in dowladda ay maalgeliso dhismada awoodda hay’adaheeda baaritaanada si ay si wanaagsan ugu raad raacdo qulqulka lacagaha argagixisada.