Goorma ayuu Kheyre sida Samatar & Cigaal u marti qaadi doonaa Cabdi Tahliil?

In ka yar 24-saac kadib imaatinkii Wafdigii Jabuuti oo ay qeyb ka ahaayeen fannaaniinta hobollada Waaberi ee Xasan Adan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal, baraha bulshada waxaa hareeray qoraallo aan kaliya ku saleysneyn soo dhaweyn iyo hadal-heyn.

Waxaa soo shaac-baxayaa sheeko u muuqatay in la iska hilmaamay oo ku saabsan dhibaatada nololeed ee heysata fannaanka qaran ee Abdi Tahliil Warsame.

Dhowrkii sannadood ee lasoo dhaafay waxaa xaalad bukaan-jiifnimo socodka uga go’ay al-fanaan Abdi Tahliil oo tiro dhowr jeer ah daweyn iyo daryeelba loogu fidiyay meel ka baxsan dalka gaar ahaan Turkiga. Daryeel furnaanta iyo noloshii farxadda laheyd ee Abdi Tahliil oo mar ahaa fannaan waddaniyadda iyo jaceylkaba kaalin firfircoon ku lahaa ayaa luntay. Hadda wali wuxuu ku sugan yahay caasimadda Muqdisho.

Dowladdii hore ee madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud ayaa sameysay dadaallo muuqda oo gaaray in ilaa heer dibadeed caafimaad ahaan xaaladdiisa lagu soo tacaalo. Balse dowladda hadda jirta uma muuqato mid kaalinteeda ka qaadanaysa daryeelka halgamaha nool iyo hobolka qarannimada Soomaaliya usoo qaaday heeso dhaxal-gal ah oo ay kamid yihiin Soomaaliya Soomaali baa leh iyo Xubnayahow guntadaye Xilka guudka saartow.

Si kastaba, baraha bulshada ayaa la isla dhex marayaa labada fannaan ee Samatar iyo Cigaal oo marti Sharaf iyo soo dhaweynba loogu sameeyey fannaan sidoo kale door muuqda kasoo ciyaaray geeddi-socodka nololeed ee dalnimada iyo dowladnimada Soomaaliya.

RW Kheyre ayaa bartiisa soo dhigay sawir uu dhexda uga jiro labadan fannaan, waxaana baraha bulshada la isla dhex wareegaya sababta ilaa hadda uusan usoo booqan ama uusan xafiiskiisa ugu marti-qaadin ehellada iyo dadka sida dhow ula socda xaaladda Abdi Tahliil Warsame.

Hobollada qaranka Waaberi ayaa badigood dalka isaga tagay xilligii ay jireen dagaallada sokeeye, waxaana jirta in fara-ku-tiris ah sida Abdi Tahliil, Seynab Xaaji Cali Baxsan, Nuurto Jeelow iyo kuwa kale. Balse la-yaabka sunniyaha lala taago wuxuu yahay sababta madaxda qaranka ay hadiyo jeer qaabilaad heer sare ugu sameeyaan fannaaniinta ka yimaada dibadaha – iyaga oo aan deymada ugu roonaaneyn kuwa gudaha dalka ku qaadanaya xaalado adag.

Haddaba, yeelkeede in fannaaniinteennu ay iskugu gurmadaan tab walba oo ay isku kaalmeyn karaane, malaga yaaba in RW Kheyre uu sida Samatar iyo Cigaal xafiiskiisa ugu marti-qaado ama uu hoygiisa ku booqdo si uu ula qeybsado xaaladda adag oo uu ku sugan yahay?!

Waa su’aalaha ay baraha bulshada isku weydiinayaan shacabka Soomaaliyeed oo u muuqda inay la damqanayaan xanuunka asiibay fannaanka.

W/Q: Istar Cali Mataan
Toronto, Canada

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid