Goorta sida rasmiga ah loo furayo garoonka Stadium Muqdisho oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhimsha garoonka Stadium Muqdisho ayaa ku dhaw in la dhameystiro, waxaana la filayaa in dhawaan daaha laga qaado laguna qabto tartamo kubadda cagta ah, sida ay sheegtay Wasiiradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Federaalka Khadiija Maxamed Diiriye.

Wasiiradda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, ciyaartoy ka timid dalka dibadiisa iyo xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta kormeed ku tagay garoonka ciyaaraha Stadium Muqdisho, waxeyna soo qiimeynayeen dhismaha dhamaadka maraya ee ka socda halkaas.

Seynab Maxamuud Warsame oo ah gudoomiyaha dagmada Warta Nabadda ayaa warbixin kooban ka siisay Wasiiradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Masuuliyiintii la socotay iyo sidoo kale ciyaartoyda heerka uu marayo dhismaha.

Basma Caamir Shakeeti ayaa sidoo kale kalmadeeda ka qaadatay, waxeyna aad uga mahad celisay maamulka dagmada Warta Nabadda sida ay howshaan u furliyeen.

Khadiijo Maxamed Diiriye waxey sheegtay in dhismaha dhawaan lasoo afjari doono, isla markaana bisha Janaayo ee 2020 daaha laga qaadi doono garoonka ugu weyn Soomaaliya, waxeyna sidoo kale sheegtay in tartamo kala duwan lagu qaban doono.

Garoonka Stadium Muqdisho oo ka mid ah kuwa ugu weyn qaaradda Afrika ayaa la dhisay 1978.