Gud. Mursal “La xisaabtan adag iyo baaritaan ayaan marin doonaa kuwa sheegta howlaha Dastuurka”

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka baarlamaanka Somalia Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa daboolka ka qaaday inay bilaabi doonaan baaritaano lagu sameyn doon shaqsiyadka sheegtay inay ka shaqeeyan Dastuurka dalka.

Guddoomiye Mursal waxa uu sheegay in baaritaankooda uu noqon doono mid xooga lagu saari doono la-xisaabtanka Hay’adaha ka Shaqeeya dib u eegista Dastuurka dalka.

Sababta baaritaanka ayuu ku sheegay inay tahay si loo kala cadeeyo Shaqadooda, waxa uuna tilmaamay inay jirto shaqo yari.

Mursal waxa uu carab dhabay in qorshuhu yahay in ay soo diyaariyan liiska Hay’adaha ka Shaqeeya dib u eegista dastuurka ha ahaadaan kuwo Caalami ah iyo kuwa Gudaha dalka ka Shaqeeya iyo waxyaabaha ay qabtaan.

“Waxa uu saameyn doona dhamman Hay’adaha ku shaqada leh arrimaha dastuurka gaar ahaan Hay’adaha maxaliga iyo kuwa heerka caalami ah”

Sidoo kale, Guddoomiye Mursal waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray inay ku dadaali doonaan in la soo dhameystiro xubnaha ka maqan Guddiga Madaxa-banaan ee dib u eegista Dastuurka oo laga sugayo Dowlad Goboleedyada.

Haddalka Mursal ayaa imaanaya xili Hay’adaha ku howlan arrimaha Dastuurka lagu eedeeyay inay daba dheereynayaan dhameystirka Dastuurka isla markaana ay ka dhigeen mashruuc aan dhamaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com