Maxay tahay sababta ka dambeysa imaanshaha Xasan Sheekh Ka hor doorashada 2020 (Waxbadan Ogaw)

10-kii September, 2012 ayuu noqday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, kadib markii codad gaaraya 190 cod uu helay Wareegii u dambeeyay ee doorashada, isagoo ka guuleystay Sheikh Shariif  oo helay 79 cod.

Isaga, 8 February 2017 ayaa looga guuleystay doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho, ee uu kusoo baxay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Markii uu xilka wareejiyay kadib bishii March ee sanadkii hore ayuu ka duulay magaalada Muqdisho, sanad iyo bar kadib waxaa jiro arrimo badan oo is biirsaday oo sababay dib ugu soo laabashadiisa Muqdisho.

Xasan Sheikh, Sababaha uu u yimid Muqdisho, wuxuu ku sheegay inuu wadatashiyo sameyn doono, kaasi oo ku saabsan xaaladaha dalka ka jiro.

Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in imaanshaha Xasan Sheikh Maxamuud ee Muqdisho ay horboodayaan xildhibaano mucaaradaya dowladda hadda dhisan iyo shaqsiyaad kale oo dhaqaalo ku bixinaya yagleelida xisbi weyn oo ay ku mideysan yihiin ragii lasoo shaqeeyay Xasan Sheikh iyo Xubno kale oo Mucaarad ah.

Arrinta kale ee keentay imaanshihiisa ayaa ah iney heleen warbixino la xiriira in madaxda taladda haya ay wadaan qorshe muddo kororsi ah iyo in la xadido tirada xisbiyadda ka qeyb galaya doorashada soo socota, si looga hortago xisbiyo awood badan, sida kan ay qorsheynayaan Xasan Sheih iyo Xulafadiisa.

Damaca madaxda taladda haya oo ah sameysashada xisbi weyn oo ay ku mideysan yihiin madaxweyne Farmaajo iyo shaqsiyaad xilal hadda haya, ayaa qeyb ka ah waxyaabaha keenay inuu yimaado Xasan sheekh Maxamuud.

Xasan Sheikh, Muddadii u dhaxeysay 2012 ilaa 2017, waxay is qabteen shaqsiyaad badan kuwaasi oo qaarkood ay heshiiyeen intuu ku sugnaa dalka dibadiisa, waxaana ugu horeeya Axmed Macalin Fiqi iyo shaqsiyaad kale oo doonaya inay sameeyaan xisbi siyaasadeed weyn oo ay ku jiraan dad magac weyn leh.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo aad u taageersan xukuumadda Kheyre shalay ayuu Cafis ka dalbaday Xasan sheekh, maadaama la rumeysan yahay inuu ahaa saaxiibka Xasan, balse doorashadii ay kula hareen.

Imaanshaha uu Xasan Sheikh Maxamuud ku yimid Muqdisho kuma koobnaan doonto Muqdisho, sida uu sheegay markii uu kasoo dagay Garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, oo wuxuu tagi doonaa gobolada dadka si saameyn uu ugu doorashooyinka qaar oo ka dhacaya Garowe Iyo Baydhabo.

Intii tallada uu hayay Xasan Sheikh Maxamuud, wuxuu doorweyn ku lahaa dhismaha maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, laakiin madaxdii loo doortay maamuladaasi hadda xilka ma hayaan oo mooshinno ayaa lagu riday.

Dhismaha maamuladaasi oo si sahlan lagu galay ayaa keenay is jiidjiid badan oo beelaha dhexdooda ah, waana tan keentay in xasilooni daro siyaasadeed ay ka dhacdo Galmudug iyo Hirshabeelle.

Haddaba maxaa imminka kusoo beegay imaanshaha Xasan Sheikh ee magaalada Muqdisho, waxaan su’aashaasi weydiiyay siyaasi Caydaruus Muxumad Af-Sagaaro, isagoo sheegay in waxba uusan soo kordhineynin safarka.

Waxaa aad loogu amaanaa Xasan Sheikh Maxamuud wanaagsanaantii siyaasadiisii arrimaha dibadda, waxaana jira jiro dhaliilo badan oo kaga imaanayay siyaasadiisii arrimaha gudaha.

W/D Mohamed Isse Mohamud
mcmaxamuud1@gmail.com