Qandaraasyadii Dowladdii hore oo caqabad wayn ku noqday horumarka dalka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Heshiis ay ku kacaysay €132 milyan ayey dawladdii uu madaxwaynaha ka ahaa  Xassan Shiikh Maxamuud Bishii July 29, 2013 la gashay Shirkadda AMOSC , si ay u sameyso lix markab oo ah kuwa ciidanka. Heshiiska waxaa lagu xusay in maraakiibtan ay noqonayaan kuwa rondo ka sameeya xeebaha Soomaaliya, xilli aysan Soomaaliya lahay ciidan badeed.

Arrinka kale ee la yaabka lahaa ayaa ah in heshiiska ay kamid tahay in Soomaaliya bixiso lacag Lix Milyan oo Yuuro ah isla marka heshiiska la saxiixo, balse dowladdu ma aaney bixin lacagtaa, waxa ayna iminka shirkaddu dacwad ka dhan ah Soomaaliya u gudbisay maxkamad.

Dukumiintiyo ay shirkadda AMOSC oo saldhiggeedu yahay jasiiradda Qubrus ay si ula kac ah hoosta kaga dusisay warbaahinta ayaa muujinaya warqado ay u direen madaxdii dowladdii hore oo ay ku codsaneen bixinta lacagta hormariska ah, balse cidina aaney ka jawaabin.

Caasimadda ayaa ogaatay in mas’uuliyiin kamid ah dowladdii hore ay heshiiskaan ka lahaayeen qorshe ay si gaar ah uga macaashaan, iyaga oo ka warqabay natiijada aan wanaagsaneyn ee ka dhalan karta. Heshiiska Soomaaliya waxaa u saxiixay wasiirkii hore ee gaashaandhigga Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo Taliyihii ciidanka ilaalada badda Faarax Qare.

Falanqeeyayaasha ayaa fasiraad u heli waayay sababta mas’uuliyiintii dowladda ku qasabtay in galaan heshiis nuucaan ah iyaga oo ka warqaba miisaaniyadda dowladda oo isu geynteeda sanadkaa ka yareyd qiimaha heshiiska ay shirkaddan la galeen.

Lacagtii lagu heshiiyay in ay bixiso Soomaaliya  iyo lacago dul-saar ah oo ku kordhay kuwaas oo marka leesu geeyo noqonaya $183 milyan,  waxa ayna u muuqataa in ay caqabad kale ku noqoneyso howlgalka xukuumadda ee deyn cafinta Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com