Wiil uu dhalay Wasiiru-dowlihii hore ee Madaxtooyada Somalia oo lagu dilay dagaal (Sawir)

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in dagaal ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay Wiil uu dhalay Wasiiru-dowlihii hore ee Madaxtooyada Cabduqaadir Macalin Nuur.

Marxuumka la dilay oo ahaa Askari ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Cumar Khaliif Cabduqaadir Macalin Nuur.

Wiilkaani ayaa waxaa lala dilay Askar kale oo ka tirsanaa ciidamada dowlada kuwaa oo lagu soo qaaday weerar Seddex jiho ahaa.

Wiilkaani lagu magacaabi jiray Cumar oo uu dhalay Wasiiru dowlihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay inuu ahaa Taliyihii la socday ciidamada dowladda ee fariisinta ku lahaa Mukayga degmada Afgooye,isla markaana gurmad ahaan uga soo baxay dagaalka sidaana uu ku dhintay.

Marxuumkan ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaceen rasaas badan xili uu doonaayay in isaga iyo ciidamo uu watay ay u gurmadaan weerar qabsaday ciidamo ka tirsanaa dowlada kuna sugnaa degmada.

Sidoo kale, weerarka lagu dilay wiilkan uu dhalay Wasiiru dowlihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa waxaan ka hadal maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia.

Dhinaca kale, dowlada Somalia qudheeda kama aysan hadal dagaalka uu ku dhintay wiilka uu dhalay Wasiiru dowlihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya oo isagu gurmad u ahaa ciidamo la weeraray.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com